Dagaal Mar Kale Laga Cabsi Qabo Innuu Ka Dhex-qarxo Somaliland Iyo Puntland &Boqolaal Rag Iyo Hub Saaran Gaadiidka Oo Maanta Ku Soo Daabushay Puntland God-qaboobe

0
1282

Laascaanood,(Baraarugnews.net)-Sansaan dagaal oo laga cabsi qabo in mar kale ka dhex-qarxado ciidamada Somaliland iyo ciidamada maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland ee isku horfadhiya deegaanka Tukaraq, isla markaana ilaa galabta iyo caawa ku soo daabulay boqolaal kun oo ciidamo beeleedyo iyo hub tiro badan God-qaboobe oo fadhiyaan ciidamada maamulka soomaaliya ee Puntland, .

Warku wxuuu intaa ku darayaa in saacadihii u dambeeyey ee maanta maamulka Puntland ay hub iyo gaadiid tiro badan ku soo daabuleen deegaanka ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland ee Tukaraq, Balse waxa la sheegay in abaabul dagaal laga dareemayo xarunta maamula Puntland ee magaalada Garoowe iyo madaxda kala duwan ee maamulka Cabdi wali Gaso oo warbaahinta Puntland u sheegay inay qaadayaan dagaal ka dhan ah Somaliland.

Sidoo kale, waxa la sheegay in laga yaabo in barito dagaal soo qadaan maamulka Puntland, sida ay wadaan, isla markaana ciidamada Somaliland ayaa iyaguna dhinacooda difaac iyo heegan adag la galiyey ee deegaanka Tukaraq, isla markaana waxa la xusay in gaadiid hub noocyo kala duwan saran yihiin maamulka Puntland keenay  galabta God-qaboobe oo ay fadhiyaan ciidanka Puntland, taasoo la tilmaamay in amaamulka xoogan ee maamulkaasi ilaa shalay iyo maanta ku jiray, halkaana soo dhoobay boqolaal rag ah oo hubaysan wadaan ama isu-diyaarinayaan dagaal mar kale lagu qaado ciidamada Somaliland ee fadhiya Tukaraq.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta saraakiisha Ciidamada labada dhinac kala hogaaminaaya ee maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo ka gaabsaday in magacooda la sheego ama bixiyaan waraysi, ayaa u sheegay wakaalada Baraarugnews.net inay ku jiraan qorshihii dagaal doonayaan inay ku qaadan ciidamada Somaliland ee fadhiya Tuaraq, isla markaana waxay diideen inay cadeeyaan xilliga ay qaadayaan dagaalka, laakiin waxay xuseen in saacad kasta laga yaabo innuu dhaco haddii uu dhiciwaayana mar walbana ka go’an tahay puntland inay qaado dagaalka ka dhanka ah Somaliland.

Dhinaca kale, waxa la sheegay inay la socdaan ciidamada Somaliland eek u sugan Tukaraq abaabula ay ilaa maanta wadeen maamulka soomaaliya ee Puntland, kuwaasoo difaac iyo heegan adag la galiyey caawa, iyadoo la sheegay in laga cabsi qabo dagaal mar kale ka qarxa Tukaraq oo hub iyo rag hubaysan oo aad u tiro badan ku soo daabushay Puntland God-qaboobe.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here