Deegaanka Hal-dhaagan ee buuralayda gobolka Sanaag ayaa waxa ka socda dagaal u dhexeeya ciidammo taabacsan Abaan-duulihii saldhiga saddexaad ee ciidammada qaranka Somaliland ee Gobolka Sanaag Col. Jamaal Baaxad oo dhawaan sheegay in ka u goostay jabhada fadhigeedu yahay deegaanka Qardho ee maamulka Puntland iyo ciidammada Millatariga Somaliland.
Warar hor-dhaca oo soo gaadhaya shabakadda wararka ee Baraarugnews ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalkani uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh balse ma jiro warar rasmi ah xaqiijiyay khasaaraha dhabta.
Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco halkan