“Dakanadu ka madhan tahay”Maanso JawaabMaxamed Siciid Cabdi (BK)!

0
56
“Fankii iyo siyaasadii Biikay (Maxamed Bk), ahaan way iskaga-kay murgeen. Muraayad gireen ah ayaan sitay, waan is-ka sarayaa…”
“Fankii iyo siyaasadii Biikay (Maxamed Bk), ahaan way iskaga-kay murgeen. Muraayad gireen ah ayaan sitay, waan is-ka sarayaa…”

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Dayniile Wuxu Yidhi: Daawo/Akhriso Maanso Jawaab U Ah Hadalkii Maxamed Siciid Cabdi (BK)!

16kii Julaay 2019kii oo Fannaan Maxamed Siciid Cabdi (BK) uu ka soo laabtay Nayroobi, waxan ahaa dadkii soo dhaweeyay. In la duudsiyay ayaan u arkayay. Shalay 28kii Disember 2019ka oo uu isku xidhay nabadda Soomaaliya iyo aqoonsiga Somaliland-na waan ka soo horjeedaa. May ahayn in uu maalin geeriyaad sidan u hadlo. Soomaalidu way ka midaysan yihiin diinta, afka, dhaqanka, midabka, isirka iyo derisnimada, hal wax oo siyaasad ah bay ku kala duwan yihiin. In maalmaha murugada la xeeriyo walaalnimada ayaa qurxoonayd.

Maansadan waxa la yidhaahdaa “Dayniile wuxuu yidhi”, waa farriin aan cabbirayo oo ay soo dirtay magaalada Muqdisho oo BK ku dhashay. Dharaar ay daanyeer iyo dugaagba murugaysan yihiin ayuu BK dabbaal-degay, haddii qofku ku tallaabsado wax sidaas u hooseeya, waxa uu hoos uga degayaa garaadkii aadamaha, dameer dhergay ayaa dinnaahiya, dibi haagayna wuu dannaahiyaa, dacaw baadi dilayna wuu wishiirriyaa, dacay dibbirayna wuu daacaa.

Nabaddu waa deeq Alle bixiyo, aqoonsiguna waa dad-samee ay basharku isu gartaan. Wax Alle bixiyo lama babardhigi karo wax aadame quudho, waxaana socday oo hadda hakis ku jira wada-hadal u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, kaas oo lagu furdaamin lahaa waxa lagu kala duwan yahay, weliba aan filayo in Somaliland guul ku heli lahayd. Muqdisho ma habaarayso BK iyo Somaliland, waayo waxa jira dad badan oo ka damqaday weedhaha heesaaga ka soo yeedhay. Waxa ay Eebbe uga baryaysaa dhulkeeda nabad.

Maansada Dayniile wuxu yidhi, waxa ay ku bilaabmaysaa:

Markii uu ku duudsiyay
Nayroobi duulkii
Kuugu dooddiyaayee
Bandhiggaad darbaysiyo
Golahaad dalaysee
Damacaaga “maya” yidhi
Duudsiga waxaan ahay
Diracii necbaystee
Warankiisa deylee
Kolkaad soo degaysen
Duushada sugaayee
Degelkii Hargeysaad
Ku diyaar ahaayeed
Galgacaylka daraygaa
Ugu deexanaysee

Adigaa dariiqaan
Darraad kuugu sacab tumay
Duway baanahaagee
Weligay ma dabagelin
Dirri aan naq saarayn
Sahankii u doolee
Dib-u-socodkan ugubkaa
Kuma diirsanaayee

Daardaariddaadii
Tacsi maad ku daynnine
Deel raalligelin qira
Mar haddaad ka durugtood
Dib u laabtay weedhii
Dejin layd hulaaqaas
Dubbahaan xadgudub-wade
Kaga deebin jiray iyo
Diiraddaydu adigay
Dummaddaada sudhan tahay

Kuwa aad duqaysaan
Difaacooda gelayaa
Awr dabarka goostiyo
Dhataqlaha nin “didibsiyo
“Dooh”dhahoo ceshaan ahay
Derbi caabbiyaan ahay
Darbaddaada liidkaa

Damashii Afgooyiyo
Dermadaad ku dhalatee
Aad docadocaysiyo
Muqdishaa tix duug weyn
Kuu duubay caawee
Dawiyee guddoonsoo
Dulucdeeda ila dhaad
Adigoon dudayn gunud
Dacwadday gudbinayaan

Dayniile wuxuu yidhi
“Diin lagu bannaystiyo
Daliil looma heli karo
Dooxitaanka maxastee
Digta qaraxu goor uu
Degta gooyay shacabkiyo
Maalin aan deldelanahay
Maalin duudka laga jabay
Da’yartiyo haweenkii
Maalin daabcad lagu qalay

Dembi-laaweyaal aan
Dil mudnayn dharaartay
Dagaalyahan hamuumaa
Dhiiggooda daadsheen

Maalin aan daraasiin
Boqollaal dadweynaa
‘Ku duug iilka’ leeyahay’
Damqashiyo xanuunkiyo
Daadduunka igu dhacay
Maalin aan deyaysnahay

Giddigood dugaaggiyo
Daanyeerku subax ay
Cadhadii la duubmeen
Daryeel iyo gargaar iyo
Dadnimadu ha joogtee
Digashada la-yaabka leh
Ninka soo diraayow
Damiirkaagu sidu yahay
Waxa doorkan marag furay
Deexdaad na leedee
Dallacaad qof laga rabay
Miyuu hoos u daaddegay?”

Dayniile wuxuu yidhi
“Docda maamul qaran iyo
Mar siyaasad aan dayo
Daah saari maayee
Wax daliilka aan qiray
Inay doodi taallee

Diirka iyo midabkiyo
Diinta iyo dhaqanka iyo
Dibintiyo afkeenniyo
Dunjigiyo tafiirtiyo
Dirka lagu arooriyo
Derisnimada gobolkiyo
Dabcigaan wadaagnaan
Dunidaba u kownee

Haddii uu dareen jiro
Lagu kala dibboodaa
Wax intaas ka dooraad
Dumisee walaalow

Dumar baa rag waayoo
Duudsi hooyo eeddiyo
Dar baan saaka eegayn
Ubadkay dihdeenoo
Goblan doorkan joogoo
Duul aabbayaashood
La dubtaa agoonoo
Da’yar baa rajooboo
Dalanbaabiyaayee

Hohe dawdarnimadii
Doqonniimo boowow
Daw-dhaaftay huunnee
Dannigaad tebaysee
Duhnigaaga shidayaa
Dib-dhig buu ku fiicnaa”

Dayniile wuxuu yidhi
“Dad wuxuu u mudanyahay
Intuu Daayin uumee
Dameerkii u fooftaga
Meel dooggu dheeryahay
Waa daw haddii uu
Keligii dannaagee

Dibi maalintuu helo
Durdurrada biyaa-liyo
Dareemada ma yaabeen
Haddii uu dinnaahshee
Dacawgaa wishiirriya
Markuu Deylo baadiya
Dibadaha ku laayee

Aadmigu dubaaquu
Xayawaan dab-joogiyo
Duurjoogta dheeryee
Ninka doobyay saakee
Weedh diif leh tebiyow
Nin durbaan colaadeed
Dafka jaan tumaayow
Nin xaqdhawr dalluun iyo
Daaddays ka tuurow

Markii uu dibbiray kii
Naxligii la daacow
Haddii aan ku dacal dhigo
Bah-dugaag galiilyada
Waa derejadii aad
Dar Allee u qalantee
Dacaynimo libteediyo
Intay duubab leedahay
Durba kuu hannaynnee
Dusha saaro oo hano”

Dayniile wuxuu yidhi
“Degannaantu waa libin
Deeqluhu adduunyada
Ku dareelo kawnkoo
Dirhamkiyo ma gooyaan
Xasiloonni duunyee

Daawiyo xidhiidh iyo
Ictiraafna waa dabar
Dalku uu samaystoo
Dan cidduu ka leeyahay
Durbadii la siiyee

Ma wax Daayin bixiyaad
Dad-samee la simaysaa?
Degdeg khayr ma keenee
Labadeenna daamood
Illaa dayrihii tegay
Dawladaa kulmaayee

Wada-hadalka daarani
Diidmiyo mid buu haa
Dihan-laa xaqiiqdee
Duryan lama ammaannee
Hadday deexdu lacag tahay
Hadda aammus waa dahab”

Dayniile wuxuu yidhi
“Ciil aan dawoobayn
Kugu deyri maayoo
Dibindaabyo aan tegin
Kuuguma ducaynnine
Dab-afuufow butaacow
Degmadaada waxa jira
Kuman diirnaxaayoo
Ii digigixooxidoo
Haddii aan “dur” odhan-laa
Deegaanka Herer tahay
Iyagaan ku daayoo
Deebaaq ma quudhee

Adigiyo dadkaaguba
Ku dakeeya rayrayn
Dacartaan qudhqudhinnana
Dulqaad baan u leennee
Daayinow Allahayow
Waxan kaa dalbaynnaa
Daawi caanaheediyo
Nabad doobbi lagu dhamo
Nabad dalagga lagu guro

Nabad lagu dalxiisoon
Jubba daafihisiiyo
Diinsoor rugteediyo
Illaa Doolow iyo Mudug
Ku dawaafno goonyaha
Nabad aan dirsooc iyo
Daanniyo dhib lagu qabin
Doonnida waxbarashada
Amni lagu dul fuuloo
Dakanadu ka madhan tahay”


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here