Dalabkii Is-casilaada Wasiirka Arrimaha GUdaha Maxamed Kaahin Axmed &Sababaha keenay Naxdintii Xanuunka

0
1201
Dalabkii Is-casilaada Wasiirka Arrimaha GUdaha Maxamed Kaahin Axmed &Sababaha keenay Naxdintii Xanuunka
Dalabkii Is-casilaada Wasiirka Arrimaha GUdaha Maxamed Kaahin Axmed &Sababaha keenay Naxdintii Xanuunka

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Kornayl Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, ayaa aad iyo aad uga naxay  hadalkii ka soo yeedhay Wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, isla markaana weedha hadalka ka soo yeedhay Maxamuud Xaashi Cabdi oo meel xun ama halista ku dhuftay Wasiir Kaahin ayaa salka ku hayey cidda wakhti xaadirkan leh aqoon iyo waayo arag siyaasadeed ee leh shakhsiga hogaamin kara qorshaha mustaq-balka xisbi-xaakimka talada haya ee Kulmiye iyo Maxamuud Xaashi Cabdi waddada dabaciisa siyaasadeed ee ku aadan kursiga Guddoomi-nimada xisbiga Kulmiye.

Dad ka ag-dhaw Wasiir Maxamed Kaahin Axmed,kana gaabsaday in magacooda la sheego, ayaa u sheegay shabakada Wararka ee Baraarugnews.net xafiiskeeda magaalada Hargeysa, in markii uu daawaday Wasiir Maxamed Kaahin waraysi uu siiyey Maxamuud Xaashi Cabdi Telifeeshanka Horncable, uu aad iyo aad uga naxay jiif iyo joogna u diiday markuu arkay warkii Maxamuud Xaashi Cabdi. Isla markaana cadeeyay in Wasiir Maxamed Kaahin habeenkii uu daawaday warkii Maxamuud Xaashi khatar halis caafimaad uu galay, isagoo hadalkii Maxamuud Xaashi Cabdi oo aad uga naxay ku kiciyey dhikarkii iyo madax xanuun, uu sababay dulucda uu xabaarsanaa badheedhihii hadalkii Murashaxnimada jagada Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Maxamuud Xaashi cabdi.

Xogahaa ayaa xusay in Wasiir Maxamed Kaahin Axmed oo ordaaya uu xafiiskiisa ugu yimi Muuse Biixi Cabdi  kalana hadlay hadalka ka soo yeedhay Maxamuud Xaashi Cabdi ee murashaxnimada Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, isagoo Wasiir Maxamed kaahin oo waydiiyey Muuse Biixi Cabdi su’aal aheyuu kala tashaday innuu iska casilo xilka Wasiirka arrimaha gudaha,isla markaana Muuse Biixi iyo Wasiir Maxamed Kaahin ay falaqeeyeen saameynta ay ku keeni karto, haddii uu iska casilo xilka Wasiirnimo Maxamed Kaahin Axmed, iyadoo la tilmaamay in natiijada u soo baxday Wasiir Maxamed kaahin ay is tustay haddii uu iska casilo xilka Wasiirka arrimaha gudaha keeni karto saameyn iyo dhabar jab ku ah isaga.

Warku wuxuu intaa u darayaa in Wasiir Maxamed kaahin talaabada is casilaada uu dalbaday markii hore uu ka baqay markii dambe, kana noqday go’aankii is casilaada, taasoo sabab u aheyd in guud ahaan ku kacayso beesha Habarjeclo, isla markaana waxa la cadeeyay in wakhtigan beesha habarjeclo ay ka xanaaqodo magaciisa Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, gacana ugu jirin maanta beesha Habarjeclo oo awood iyo miisaan weyn aanu ku laheyn beesha Habar-xabusha.

Sidoo kale, Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, ayaa lagu tilmamaa shakhsiyadiisa siyaasadeed heerka ay gaadhsiisan tahay cadeyn iyo marqaati ay u tahay markii uu qaatay ama hankiisu noqday Wasiir, balse abaabulka uu bilaabay ee qaabka dhuumashada iyo qarsoodiga faqa dhagaha cid u soo sarayo marba meel madow masayr iyo xaasidnimo ku xumee ah Maxamuud Xaashi Cabdi ay tahay, laakiin aanuu laheyn ku dhaca iyo badheedhe geesinimo ah Wasiir Maxamed kaahin Axmed innuu banaanka is taago,sida Maxamuud Xaashi cabdi leeyahay.Balse sida ay u cadeeyeen dad ka ag-dhaw Xafiiska Wasiir Maxamed Kaahin ayaa sheegay in Maxamed Kaahin ka dambeeyo, soona abaabulay isagu siyaasi Ramaax iyo ciyaalka facebuugyada qoraalada aflagaadada ah ee cayda ah ku baahinaaya baraha bulshada, uu ka dambeeyo Wasiir Kaani.

Baraashug00@gmail.com

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here