Dalalka Geeska Afrika Maxaa Keenay Inay Ka Naxaan Dagaalka Itoobiya?

0
105
Dalalka Geeska Afrika Maxaa Keenay Inay Ka Naxaan Dagaalka Itoobiya?
Dalalka Geeska Afrika Maxaa Keenay Inay Ka Naxaan Dagaalka Itoobiya?

Afrika,( Baraarug.net)-Waddamada dariska la ah Itoobiya ayaa cabsi weyn ka qaba colaadda sii xoogeysanaysa ee ka taagan waqooyiga dalka itoobiya in ay horseedi karto kororka hubka sharci darrada ah ee ka socda gobolka bariga Afrika, waxaana suuragal ah in boqolaal kun oo qaxooti ah ay ku qul-qulayaan, sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Kenya.

Walaacaas ayaa yimid iyadoo jabhadda Tigray People’s Liberation Front (TPLF) oo mar ahaan jirtay xisbiga talada haya ee waqooyiga gobolka Tigreega ee Itoobiya, ay ku hanjabeen inay u dhaqaaqi doonaan dhanka caasimadda Addis Ababa, ka dib markii ay qabsadeen magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha ee gobolka Axmaarada.

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa ku baaqay shir madaxeed 16-ka bisha November ee sanadkan ka dhici doona dalka Itoobiya,lagaga  hadli doono colaada Itoobiya oo soo bilaabatay bishii November ee sanadkii 2020-ka, waxaana iska hor imanaya kooxda TPLF iyo xulafadeeda iyo dawladda Faderaalka. Itoobiya

3dii Nofembar, madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku baaqay “in dagaalku uu joogsado” wuxuuna ugu baaqay dhinacyada dagaallamaya “inay raadiyaan sabab ay si degdeg ah u joojiyaan colaadda oo ay wada hadlaan”.

Madaxa urur goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu, oo u dhashay dalka Itoobiya, ayaa sheegay “in wada-hadal qaran oo loo dhan yahay iyo dib-u-heshiisiintu ay danta dalka iyo gobolkaba ku jirto” sida uu u sheegay wargeyska Daily Nation.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here