“Dalkeenu Wuxuu Muddaba Ku Jiray Hubanti-la’aan. Waxa La Joogaa Wakhtigii Laga Gudbi Lahaa Siyaasadda Dib-u- socodka Ah.”

0
112

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay maalinta ay u asteeyeen Guddida doorashooyinka Soomaaliya ee Jadwalka Muddada la qabanayo doorashada kursiga Madaxweyne-nimada Muqdisho.

“Waan soo dhawaynayaa muddaynta doorashada Madaxtinnimada Soomaaliya oo loo asteeyay 15-ka May.Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiga Qaban-qaabaduna waa ku mahadsan yihiin. Dalkeennu waxa uu muddaba ku jiray hubanti-la’aan doorasho. Waxa la joogaa wakhtigii laga gudbi lahaa siyaasadda dib u socodka ah, la qaban lahaa doorasho xor iyo xalaal ah, dalkana laga hirgelin lahaa isbeddel waxtar leh.”Sidaa ayuu yidhi Madaxweynihii hore ee Xasan Shiikh Maxamuud oo qoraalkan ku baahiyey barta uu ku leeyahay baraha bulshadu ku wada xidhiidho ee facebuugiisa oo warbaahinta Baraarugnews.net ka soo xiganay.

Emial:-Xafiiska Guud ee Warbaahinta Baraarugnews.net Emial:-baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here