Dawladda Federaalka Soomaaliya Oo Askar Ciidamo Ah Ka Qoranaysa Gudaha Somaliland Iyo Khalkhal Ka Taagan Xeebta Sanaag &Xaalad Khatar Ah Oo Ku Gadaaman Nabad-gelyadii Iyo Dawlad-nimadii Somaliland

0
133
Dawladda Federaalka Soomaaliya Oo Askar Ciidamo Ah Ka Qoranaysa Gudaha Somaliland Iyo Khalkhal Ka Taagan Xeebta Sanaag &Xaalad Khatar Ah Oo Ku Gadaaman Nabad-gelyadii Iyo Dawlad-nimadii Somaliland
Dawladda Federaalka Soomaaliya Oo Askar Ciidamo Ah Ka Qoranaysa Gudaha Somaliland Iyo Khalkhal Ka Taagan Xeebta Sanaag &Xaalad Khatar Ah Oo Ku Gadaaman Nabad-gelyadii Iyo Dawlad-nimadii Somaliland

Sanaag,(Baraarugnews.net)-Dawladda faderaalka Soomaaliya ayaa ciidamo askar ah ka qoranaysa deegaanka Gobolka Sanaag ee bariga Somaliland, isla markaana Madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa la sheegay innuu ka dambeeyo qorsha askar ka u shaqaysa dawladdiisa oo hoos-taga taliyaasha ciidamada xooga soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay magaalada muqdisho inay ka hawl-galiyaan gudaha Somaliland.

Saraakiil ka tirsan  Maammul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa la sheegay in loo xilsaaray inay askar ciidan ka qoraan deegaannada Badhan, Hadaaftimo, Yubbe, Laasqoray iyo magaalooyin kale oo ka tirsan Gobolka Sanaag, Balse qoritaanka askarta immika ay soo maaliya ka qoranayso magaalooyinka Ceerigaabo ka xiga dhinaca bariga Sanaag, ayaa la sheegay inay u badan yihiin oo ka soo jeedaan Beesha Warsan-gali, halka ay qayb ka yihiin oo iyagana la doonayo in askar laga qoro beesha Dhulbahante, waxay ka bilaabeen qorista ciidammo ka mushahar qaadan doona Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo fadhiisino xeebaha Gobolka Sanaag ah oo dawladda soomaaliya doonayso inay ciidamo la dejiyo.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa xafiiska wararka ee Gobolka Sanaag ee Baraarugnews.net ee Ceerigaabo u sheegay in ay madaxweynaha Farmaajo iyo Raysal,wasaare khayre habab kala duwan ay gacanta kula jiraan gudaha Somaliland, gaar ahaan dhinacyada bulshada Gobolada bariga Somaliland oo intii Muuse Biixi Cabdi xilka Kursiga Madaxweynimada Somaliland hayey ay jirto hoos u dhacweyn iyo nacayb soo kala dhex-galay bulshada SOmaliand oo ay abuurtay xukuumadda Muuse Biixi, isla markaana xogahaa ayaa xaqiijiyey inay jiraan askarta ay ka qoranayso dawladda Soomaaliyaga Gobolka Sanaag ee bariga Somaliland. Warku wuxuu intaa ku darayaa in Ciidammada ay dawladda soomaaliya ka qorayso gudaha Somaliland  ujeeddada qoristooda ka danbaysa lala xidhiidhinayo inay salka ku hayso hirgelinta heshiisyo kalluumaysi oo dhawaan dawladda Somaaliya la gashay shirkado waa-weyn oo kalluumaysi oo tiro badan, shirkadahaasi oo ka kalluumaysan doona badaha waa weyn ee Soomaaliy, ayna ku jirto bada cas ee biyaha somaliland.Balse xogahaa ayaa sheegay inay jiraan goobo katisan xeebaha waqooyi ee gobolka Sanaag oo Puntland iyo Somaaliya doonayaan in ciidammadaa la dejiyo oo ay fadhiisinno ka samaystaan si ay uga ilaaliyaan ammaanka maraakiibta kalluumaysiga ee shirkadaha ajahanabiga ah ee ay la galeen heshiiska kaluumaysiga bada Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo wararka ka imanaaya  xeebta waqooyi ee gobolka Sanaag ayaa la soo sheegayaa inuu ka jiro khalkhal xagga nabadgelyada oo u dhexeeya bulshada degaankaas iyo qaar ka mid ah ciidamo ka tirsan maamul-goboleedka soomaaliya ee Puntland, si ay halkaa fadhiisin uga dhigtaan.

Caarshe7@hotmail.com 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here