Dawladda Madaxweynaha Soomaaliya Oo La Wareegtay Gacan Ku Haynta Ciidamadii Imaaradka Carabta &Kulankii Safiirka Qatar Iyo Madaxweyne Farmaajo

0
151

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay dugsigii tababarka Jen Gordan oo ay horey u maamulayeen saraakiishii Imaaraadka ee tababarka siinayay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah ula wareegay ciidamadii halkaa ay ku tababarayeen Imaaaraadka iyo gadiid ka kooban 25 gadiidka Cabdi Bilaha ah oo ka mid ahaa agabkii ciidamada ee halkaa yaalay.

Abaandulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in dowladdu maanta si rasmi ah ula wareegtay xerada Jen Gordan iyo ciidamadii halkaa lagu tababarayay intaba, waxaana uu meesha saaray warar sheegayay in la bililiqeystay xerada iyo agabkii militari ee yaalay.

‘’Saraakiishii Imaaraadka ee dugsiga maamulayay waxaa ay si buuxda ugu wareejiyeen dugsigan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaan la wareegay dhamaanba dhismihii uu ka koobnaa dugsiga, waxaan kaloo la wareegnay gadiid ay noogu deeqeen’’ ayuu yiri Abaandulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Bilihii ugu danbeeyayba waxaa xumaan xiriirka u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Imaaaraadka, taasoo keentay in Imaaraadku ka xirirto howlihii kala duwanaa ee mudadda dheer ay ka soo wadeen gudaha dalka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen tababarada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Geesta kale, Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay safiirka Qatar ee dalka Soomaaliya.

Dowladda Qatar ayaa safiirkeeda cusub u soo magacowday dalka Soomaaliya waxaana maanta si rasmi ah looga guddoomay warqadahiisa aqoonsiga ee safiirnimo.

Xasan Xamsa Asad, Safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya ayaa lagu qaabilay madaxtooyadda Soomaaliya, waxaana madaxweynaha uu ka guddoomay warqadahiisa aqoonsiga.

Safiirkan ayaa la sheegay in awoodiisa dhameystiran tahay oo uu dhowaan soo magacaabay Amiirka Qatar, waxaa uu horay u ahaa Sii Haye Safiir.

Dowladda Qatar ayaa xilligan saameyn ku leh siyaasadda dalka Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in dhowaan madaxweyne Farmaajo uu booqasho rasmi ku tago dalka Qatar.

Xiisadda Siyaasadeed ee u dhaxeyso xulufada Imaaraatka iyo Qatar ayaa u muuqata mid saameysay siyaasadda Soomaaliya.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here