Dawladda Somaliland Oo shaaca ka qaaday in Xanuunka coronavirus-ka laga helay dalka Itoobiya &khatarta ku gadaaman shacabka Somaliland

0
146
Dawladda Somaliland Oo shaaca ka qaaday in Xanuunka coronavirus-ka laga helay dalka Itoobiya &khatarta ku gadaaman shacabka Somaliland

Adis’ababa,(Baraarugnews.net)-DawladaSomaliland ayaa sheegay in xanuunka caabuqa coronavirus-ka laga helay dalka Itoobiya ee xaduudka la wadaaga Somaliland, isla markaana xukuumadda Muuse Biixi ayaa ilaa hada sicad uga hadlin Diyaarada falay itoobiya oo maalintii laba jeer timaada madaarka magaalada Hargeysa.

Safiir ku xigeenka dawlada Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya Barkhad M Kaariye, oo qoraal kooban ku baahiyey barta uu ku leeyahay baraha bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebuugiisa ayaa sheegay in xanuunk coronavirus-ka laga helay qof ka mid ah shacabka Itoobiya.isla markaana qoraalka Safiir ku-xigeenka Somaliland u fadhiya magaalada Adis’ababa ayaa u dhignaa sidan.” Dalka Itoobiya, qofkii u horreeyay baa laga helay cudurka #COVID19, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadku. Dhammaan muwaadiniinta JSL ee ku sugan Itoobiya waxa la gudboon inay raacaan hannaanka iyo habka caafimaad ee loo dejiyay, dawladda Itoobiya na ay dadka farayso in la raaco. Waxaannu safaarad ahaan, annagoo horeba feejignaan saa’id ah u muujinay, si ku-meel-gaadh ah u joojinnay bixinta dal-ku-galka (Fiisaha), dadka doonaya inay Jamhuuriyadda Somaliland tegaan ee ka imanayay Itoobiya. Wixii soo kordha, bulshada waannu la socodsiin doonnaa.”


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here