Dawladda Soomaaliya Oo  Amaro Cusub Ku Soo Rogay  Diyaaradaha Is-ticmaala Garoonada Muqdisho Iyo  Hargeysa &Muuse Biixi Oo ALbaabada u xidhay Dawladnimadii Somaliland

0
749
Maamulka madaarka Muqdisho

Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Wasiirka Wasaaradda  Duulista Hawada  ee dawladda faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad, ayaa sheegay in diyaarad aan sharuudaha looga baahan yahay u dhameystirnayn ayna ka shaqo gali garin Garoonka Diyaaraha Adan cadde ee Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan wixii la isku odhan jiray Soomaaliya ee xilligii dawladdii Siyaad Bare maamulijirtay ayna ku jirto Somaliland.

Maareeye ku-xigeenka Amniga iyo Maamulka Garoonka  Duuliye  Ceydaruus Axmed Kaahiye ayaa wasiirka uu sheegay in shaqada diyaaradaha ka soo dego oo kor u kacay, islamarkaan ay jiraan shirkado soo codsaday in ka Howlgalaan Gudaha dalka.

Wasiirka ayaa faray Shirkadaha diyaaraha iney ka shaqeeyaan in rakaabyada ay  heleen adeegyo dhammeystiran waxa kale uu sheegay in ganacsatada aan sharuudaha looga baahan yahay buuxinin aysan ka Howlgalin Karin Garoonada Soomaaliya. ’’Laga bilaabo maanta ay tariiqdu tahay 12 07-2018 waxaa la farayaa in shirkadaha diyaaradaha ee ka Howlgalo Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqisho looga baahan yahay sharuudaha in ay shaqeeyaan badqabka rakaabka cidii dhammeystiri weysana aysan ka shaqeyn Karin Garoonka Adan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde iyo guud ahaan wixii la isku odhan jiray soomaaliya ee xilligii dawladii siyaad Bare gacanta ku haysay ay dhamaan la soo wareegtay gacan ku hayntooda dawlada faderaalka ee soomaaliya, ’’ ayuu yidhi Wasiir Oomaar.

Wasiir Oomaar ayaa sidoo kale sheegay in Wasaraadda oo kaashaneysa Dowladda ay diyaar ula tahay shaqalaaha in la sii tababaro dheeraad si ay u guttaan shaqada loo igmaday.

Geesta kale, Mareeyaha Wasaarada duulista xukuumadda Somaliland, ayaa ku fashilantay gacanta ku haynta maamulkii hawada Somaliland, isla markaana xukuumaddii madaxweynihii ka horeeyay Madaxweyne Muuse Biixi ee Axmed Siilaanyo markii uu xilka hayey waxay dhamaan gacanta ku hayeen maamulka diyaarada isticmaala hawada Somaliland.

Hase yeeshee, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa intii uu xilka hayey waxa dhamaan is xidhay oo hoos u dhacweyn ku yimi waddamadii xidhiidhka dawladnimo ka dhaxeeyay ama u aqoonsanaa  dawlad madax-bannaan Somaliland, Balse Madaxweyne Muuse Biixi ayaa meel walba ka soo xidhay oo handaraan iyo quful-weyn ku xidhay xidhiidhkii dalalka dariska ee geeska afrika iyo wadamada reer Galbeedka, iyaddoo hogaaminta Madaxweyne muuse biixi u muuqata inay u lablaabtay gooni isu-taagii dawladnimada shacabka reer Somaliland.

Baraarugnews.net Iimeel:- Caarshe7@hotmail.com

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here