Dawladdaha  Shiinaha (China), Iyo Somalia Oo Fariin Hanjabaado Is Barkan  Ah u Diray Somaliland Iyo Taiwan

0
74

“Dunida Waxa Ka Jira  Hal China Ah Oo kaliya. Waa Mid…”Dawladda Shiinaha

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Dawladda Dalka Shiinaha, ayaa ka hadashay Safaaradda Dalka Taiwan uu Toddobaadkan  ka furtay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.isla markaana xidhiidhka cusub ee ka dhex bilaamay dalka Taiwan iyo Somaliland ayaa abuuray khilaaf siyaasadeed oo caalami ah.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dawladda Shiinaha Zhao Lijian oo  ka hadlay safaarada dawladda Taiwan ka furatay dalka Somaliland, ayaa sheegay in dunida uu ka jiro hal Shiine oo kaliya,isagoo ku dooday  Taiwan-na tahay qayb ka mid ah dalka Shiinaha.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha  dibadda ee Dawladda Shiinaha (China), Zhao Lijian oo hadalkan ka jeediyey shir saxaafadeed  maalinle ah oo qabato Wasaaradda arrimaha dibadda ee dawladda shiinuhu kaga warbixiso arrimaha siyaasadda arrimaha dibada ee dalka Shiinacaha  “Dunida waxa ka jira  hal Shiina ah oo kaliya. Gobolka Taiwan-na waa qeyb aan laga maarmi karin.”,sidaa ayuu yidhi afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee dawlada Shiinaha Zhao Lijian.

Afhayeenka Zhao Lijian wuxuu carabka ku adkeeyay  in Midnimada Shiinuhu Muqadas tahay, isagoo hoosta ka xariiway in mabda’ ahaan Caalamku aqoonsan yahay hal Shiine ah,waxaanuu yidhi. “Hal Shiine ah waa mid caalami ahaan la aqoonsan yahay.”

Afhayeenku wuxuu intaa ku daray in isku day kasta oo Xisbiga ka taliyaha Taiwan ee DPP uu ku doonayo innuu ku kala qaybiyo dalka Shiinaha  uu fashil-mayo.

Haddalka dawladda Shiinaha ayaa ku soo beegmaaya xilli dawladda faderaalka Soomaaliya oo ka soo horjeeda qadiyada Madax-banaanida Somaliland ay Shalay War-saxaafadeed soo saartay waxay ku cambaaraysay Xafiiska diblumaasiyadeed ee Isniintii Taiwan ka furatay Magaalada Hargeysa.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Dawladda Soomaaliya ayaa waxay ku sheegtay inay qaadayso Tallaabooyin sharci oo ay ku ilaalinayso waxay ugu yeedhay Midnimada Dhuleed Soomaaliya.Isla markaana dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugu  baaqday dalka Taiwan inay joojiso waxay ka waddo Somaliland.

Ugu dambayn, dagaallada diblumaasiyadeed ee Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa bilaabmay horaantii bishii July 2020 oo Somaliland iyo Taiwan si rasmiya u kala saxeexdeen Heshiis Iskaashi. Balse Somaliland iyo Taiwan ayaa is waydaarsaday Diblomaasiyiin u kala joogaya Magaalooyinka Hargeysa iyo Tiapea, waxaana markiiba Taiwan ay hirgelisay Xafiiskeeda Hargeysa, halka Somaliland-na sheegtay inay diyaarinayso Xafiiskeeda Caasimadda Taiwan ee Tiapea.

Hase,yeeshee xidhiidhka cusub ee ka dhex bilaamay dalalka Somaliland iyo Taiwan ayaa ka cadhaysiiyey Dawladdahay Soomaaliya  iyo Shiinaha oo aaminsan in Somaliland ka mid tahay dhul-weynaha Soomaaliya , isagoo  Shiinuhuna aaminsan  yahay in Taiwan ka mid yahay dhulka Shiinaha.

Emial Office Hargeysa>-Caarshe7@hotmail.com or baraarugnews@gmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here