Dawladdo Ajanabi ah oo qorsheyaal dejiyey kula wareegayaan Khayraadka shacabka Dalka Soomaaliya

0
267
Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Waxaa jira dawlado shisheeye,oo qorshe qodo dheer u dagay dalka Soomaaliya in  la dhaxlo khayraadkiisa iyadoo si dadban looga suulinaayo dadkii soomaaliyeed ee iska lahaa dhulkaan. maha mid aynu layaabayno in umad dal iska leh xoog iyo xeelad loogala wareegay dhulkoodii oo maanta ka can maran dhulkoodii,waxaa kamid ah dadkii lahaa America,maanta majiraan haday jiraana nolol kuma noolaa dhula malaha.
Waxaa kamid ah ustaraliya oo laga dhaxlay dadkii lahaa,maanta waxba kuma noola dhula malaha,way badan yihiin inta dad laga qaaday dhulkay lahaayeen dunida guudkeeda.khayraadka dhulka soomaaliya iyo meesha uu kuyaalaba dawladaa qorshaystay in ay iyaga iyo ilmahoodu ku noolaadaan,soomaalidana laga soo reebo in yaroo shaqaale hoose ah. waxaa is waydiin leh mudo dheer oo ay soomaaliya dawlad la aan iyo amaan daro tahay ma aha uun dhibku inaga dhexdeena hadaynu nahay soomaali markaa waxaa jira dawlado hortaagan soomaaliya oo noqota dawlad xor ah oo dhisan.
Dabinaday inoo dhigeen shisheeye waxaa cad hada in aynu ka soo kabanayno. waxaana calaamo weyn u ah madaxdeena soomaaliyeed oo ku heshiis ah in cadawga shisheeye meel looga soo wada jeed sado, wax kale oo dhana meel layska dhigo si jiilasha danbe loo bad baadiyo ee soomaaliyeed. waxaana hoosta laga xariiqay in xooga la saaro ilaalinta sirta dalkeena,dib u dhiska hanaanka dawlad nimo iyo in la taabo galiyo dawlad soomaaliyeed oo lugaheeda ku istaagta. madaxda soomaaliyeed waxay garwaaqsadeen xajinta iyo xoojinta dawlad soomaaliyeed. shacabka soomaaliyeed waa soo dhaweeyay kuna faraxsan yahay madaxda dawlada hada jirta iyo madaxdii hore oo leh halkaa aragti waana guul soomaaliyeed.
Waxaana heshiiskaan ka xun oo kaliya cadawga shisheeye iyo dabadhilif khaa inu wadan ah oo shisheeye u adeega kaasoo shacabka soomaaliyeed ay waajib ku tahay in ay guryahooda uugu dhacaan cadawgaas u diidan soomaali dawladnimada iyo hormarka nololeed ee ay xaqa u leeyihiin.Dadka soomaaliyeed oo heshiiyaa ubadkeenay anfacaysaa dalkeenay badbaadinaysaa.

Madaxdaa baarlaaman ee ay kamuuqato bisayl siyaasadeed,ay kamuuqato karaamo dawladnimo iyo xilkasnimo ay ka muuqato in ay fahmeen CADAW QARMEEDKA SHISHEEYE IYO CIDA UU ADEEGSADO ayaa gorfaynaaya hormarka iyo dawladnimada dalkeena iyagoo guda galay ansixinta dastuurka dalkeena iyo hanaanka doorashooyinka hadii eebbe idmo 2021. Soomaaliya maanta uuma baahna is qabqabsi iyo dib u dhac maxaayeelay sodon sanadood ayaa dalkeenu ka haray asaagiis oo caruurtii soomaaliyeed waayeen dad iyo dawlad iyo dal soomaaliyeed.
Waxkasta waxaa ka horeeya dawladnimada,qofkastoo soomaaliyeed waxaa deeqda oo kaliya daladnimo. waa soo aragnay in qabiil iyo gobolaysi iyo kooxaysi iyo nin jeclaysi meela ina gaarsiinaynin balse aynu ku halaaganay.dawladnimaa kuligeen ina deeqda inoo ah qab iyo han iyo sharaf,inoo ah dad iyo dal iyo diin. Maxaayeelay hadii lawaayo dawladnimo majiraayo dad iyo dal iyo diin midna.
Cadawga soomaaliyeed isku duubnida wada jirka labada aqal ee soomaaliyeed waa ka naxayaan wadaniga soomaaliyeedna waa ku farxayaa oo bogaadinayaa hormarkaa dadkiisa iyo dalkiisa. dadyar oo siyaasiyiin ah ayaa jira oo dantooda siyaasadeed u isticmaala kicin qabiil kuwaasna soomaaliya way ka ilbaxday maanta cid u baahan qabiil soomaali lagu gumaado majirto. soomaali waa hal isku diin,isku isir,isku af.isku dal.isku dad lamana kala qaadi karo.
DHOOFINTA KHAYRAADKA DALAGA BEERAHA OO DIB U BILAWDAY HADA

Waxay tani tusaale fiican u tahay hormarka dawlada soomaaliyeed ay ka gaartay dhismaha dalkeena iyo dib u yagleelka hanaankii dawladnimo ee soomaaliyeed. Dadka soomaaliyeed waa dad firfircoon oo leh wax soosaar,waxaase dib u dhigay dhibaatadii dagaaladii sokeeye iyo dawlad la aanta.Maanta waxaynu leenahay oo haysanaa dawlad curdin ah oo dadaalaysa dhan walba tani waxay keentay in shacabkii markay heleen amaan u dareeraan wax soosaarkii lagu yaqiin. waana guul soomaaliyeed in maanta qaybo kamid ah wax soosaarka dalkeena dibada loo dhoofiyo. waxaan durba iska mayraynaa ceebtii laynaga dhigay uun dad tuugsanaaya oo aan lahayn wax soosaar. waa in aan dalkeena hoos u eegnaa oo shaqo u dareeraa waxna soo saaraa.
MARKAAD NAFTAADA SHARAFTO DALKAAGA QIIMAYSO WAXAA KU SHARFA SHACABKAAGA  KADIBNA ADUUNKA OO DHAN

Markaan meel iska dhigno xiqdi iyo xasad iyo qabyaalad,waxaan qiraynaa in madaxweynaha umada soomaaliyeed maxamed cabdullahi farmaajo uu yahay hogaamiye leh aragti fog oo lagu dhiso qaran burburay sideenaas.waxaan qiraynaa in uu yahay nin wadani ah daacad u ah dadkiisa iyo dalkiisa. waxaan qiraynaa in uu yahay mid ay u simantahay umada soomaaliyeed oo jecelyahay soomaaliya oo mid ah oo hagaagta leh nidaam iyo kala danbayn dawladnimo. waa shaqsi leh qab sare isku kalsooni buuxda iyo karti shaqo. waa nin ku dhinta soomaalinimada una naxariista shacabkiisa dalkiisaba.
Waan wada aragnaa in uu soomaaliyeey inoo ilaaliyay amaanadii waan aragnaa in uu dib u dhisay hay adihii dalka iyo dhaqaalihii dalkeena waan aragnaa in uu hormar socdo ifaaya oo u muuqda sida qoraxdaa oo aan la qarin karayn,waan aragnaa in uu ku dadaalaayo sidii dalkeena ay uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah,waan aragnaa in uu yahay amiir aamin ah. ma in kiri karo qiimaha ay siiyaan dawladaha caalamku badan koodu madaxweynaha soomaaliya maxaayeelay way arkaan in uu yahay wadani dhisaaya dalkiisa oo aan beeso siisanayn.
Markaan sidaa leeyahay macnaheedu maha in aan iska amaanaayo madaxweynaheena farmaajo,ee waxaa weeye waxaan ogahay markii illaahay kusiiyo nicmadiisa waa lagu shukriyaa lama kibro lamana xaqiro nicmada illaahay kusiiyay. dalkeenu maanta waxa uu haystaa markaan hor illaahay u hadalo iyo habeen aakhiro madax wanaagsan oo aamin ah waxay u baahan yihiin oo kaliya in aan garab istaagno oo dalka la dhisno iyo dawladnimada. Madax fiican sida aduunyada lagu helaa waa adagtahay markiise rabbi ku siiyo waa lagu baraarugaa oo lala shaqeeyaa waayo waa arin ah danta dadkeena iyo dalkeena soomaaliya.
Waxfiican ama madax wanaagsan cidii uu ilaahay siiyaa ee caasisaa wuxuu uugu badalaa wax dhabarka ka jabiya oo khasaaro ayay dhaxlaan nin xun ayuuna madax uga dhigaa  waa wax hore loo soo tijaabiyay oo lagu arkay dunida.
Waxaan umada soomaaliyeed u rajaynayaa isku duubni dawladnimo hormar iyo barwaaqo dag dag ah.shisheeyaha dadkeena kala xadaaya ee isku dilaayana ee inoo diidan dawladnimadana rabbi haynaga qabto. fiiriintu waa ha ogaado cadawga soomaaliyeed in soomaaliya baraarugtay cadawgeedana meel uuga soo wada jeedsatay oo ay adkaysanayso dawladnimadeeda difaacanaysana badeeda ay usoo dhigteen reer galbeed kenaya iska soo hormariyay!!! soomaaliya way israacday cid wax ka qaadi kartaana majirto dalkana soomaali ayaa leh.

FARIIN KU SOCOTA CADAWGA DADKA IYO DALKA SOOMAALIYEED
Yuusuf Omar <mashruuc5@hotmail.com>
Email Baraarugnews@gmail.com Caarshe7@hotmail.co

Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here