“Dedaalka xabad-joojinta Qaahira wuu dhintay. Haddii ay tahay xabad-joojinta lagu bad-baadinayo Jeneral Khalifa Haftar.”

0
178
"Dedaalka xabad-joojinta Qaahira wuu dhintay. Haddii ay tahay xabad-joojinta lagu bad-baadinayo Jeneral Khalifa Haftar."

libiya(Baraarugnews.net)-Dawladda Turkey, ayaa shalay diiday qorshe la doonayey in laga hirgaliyo dalka Liibiya,iyadoo u-jeedadaas xabad joojinta ah ay dabada ka riixaysay dawladda Masar. Isla markaana ujeeddada dawlada Masar ka damacsanayd arrinta la doonayey in lagu joojiyo dagaalka u dhaxeeya dawlada caalamku aqoonsan yahay iyoJeneral Khalifa Haftar.
Sida uu baahiyey shalay Wargeyska Hurriyet, ayaa sheegay in Dowladda Turkiga ay taageertay dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Ray’s’iisul wasaare Fayez al Serraj, kaasi oo ciidamadiisa ay toddobaadyadii dhowaa iska caabiyeen weerar socday 14 bilood oo ay wadeen ciidanka Haftar oo ay taageeraan Imaaraadka Carabta, Masar iyo Ruushka.
Masar ayaa ku baaqday xabad-joojin billaaban lahayd Isniintii, taasi oo qeyb ka ahayd hindise sidoo kale soo jeediyey gole hoggaan oo la dooranayo oo loo dhiso Libya. Qorshahan ayaa waxaa taageeray Imaaraadka Carabta iyo Ruushka.
Si kastaba, wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa ugu gacan seeray hindisaha inuu yahay isku day lagu badbaadinayo Haftar kadib guuldarrooyinkii ku gaaray aagga dagaalka.
“Dedaalka xabad-joojinta Qaahira wuu dhintay. Haddii ay tahay in la saxiixo xabad-joojin waa inay ka dhacdaa madal isku keeneysa dadka oo dhan,” ayuu Cavusoglu u sheegay wargeyska Hurriyet. “Baaqa xabad-joojinta lagu badbaadinayo Haftar nooguma muuqdo mid caddaalad ah ama aan aamini karno.”
Cavuosglu ayaa sheegay in Turkey ay sii wadi doonto wadahadallada ay la leedahay dhammaan dhinacyada si xal loogu helo Libya, hase yeeshee xalka noocaas ah uu baahan yahay inay heshiis ku yihiin labada dhinac.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here