DEG-DEG-Ciidamada Booliska oo Xidhay Weriye Ka Tirsan Radio Hargaysa

0
311

Hargaysa(Baraarug): Galabta Casarkii ayaa Waxa Ciidamada Booliska Jamhuuriyada Somaliland ay Xabsiga Dhigeen Wariye Yuusuf Dool Ibraahin oo ka Tirsan Warbaahinta Dalka Somaliland .

Suxufigan ayaa Markii la Qabtay ku Sugnaa Suuqa Hargaysa Ciidamo lagu Soo Hagay Adeega Moobilada ee loo Yaqaano GPRska ayaa ka Qabtay Goobtuu Fadhiyay kuwaas oo Markii Hore ku Xidhay Saldhiga Dhexe Balse Markii Dambe u Qaaday Xarunta Ciidamada Dambi Baadhista ee C I D halkaas oo uu ku Xidhan yahay Hada .

 


Xadhiga Suxufigan ayaa Waxa ka Dambeeyay Masuuliyiinta Shirkada Ankar oo ka Cadhooday Warar Suxufiyiin uu Suxufiga Xidhani ku jiro ka Qoreen Shirkadaasi oo Dhawaan laga Kireeyay Dhismaha Warshadii Pepsiga ee loo Yaqaanay Warshada Dhuuniga oo laga Kireeyay Ganacsadaha shirkada Ankar Idiris .


Warka Masuuliyiinta Ankar ka cadhaysiiyay ayaa ahaa iyadoo Warbaahintu ay soo Bandhigeen Qalabkii Warshadii Dhuuniga (Pepsi) oo Loo raraayo Dalka Itoobiya iyadoo loo Badalay Iskaraab ahaan oo kale taas oo Shacabka Xaafaduna ka Dareen Celiyeen  


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here