” Dhaartaa marteeniyo xilbaa, Waa dheeliyoo awrka. Dhiilada dagaalkiyo sharkaa, dhiiri gelisaane, Dhinbilaha rasaastiyo dabkaa, dhamac afuutaane…”

0
83

Maraykan,(Baraarugnews.net)-“Waa dheeliyoo awrka waa,
dhooma rarateene

Intiinii wax loo dhiibay waa,
kala dhaqaaqdeene

Dhaartaa marteeniyo xilbaa,
dhabarka saarteene

Dhismaa calanka iyo dawlad baa, dhaqan xumayseene

Dhaqaalaha lawaayiyo wixii,
dhiman masheegtaane

Intaa nabada dhacadiidisaan,
kuma dhawaaqdaane

Dhiilada dagaalkiyo sharkaa,
dhiiri gelisaane

Dhinbilaha rasaastiyo dabkaa,
dhamac afuutaane

Dhagagaale iyo baa tihiin,
dhoobi iyo tuuge

Wixii aa dhinteen aakhiray,
idinku dheehnaane

Dhaca oo kadega duulkaloo,
dhaama baa qabane.”gabaygan waxa tiriyey Xaaji Nuux – Gaagaale
Alaayaraxma Raximiin.
Awoowe Igu Qaali Ahaa.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here