Dhacdo xanuun badan nin la gubay asigoo nool kadib wiil uu dhalay oo guursaday gabar.

0
82

Mogadisho (Baraarugnews.net).

Waxaa magaaladda muqdisho ku soo badanaya dhacdooyinka xanuunka badan ee is daba jooga ah kuwaa oo ka dhacaya guddaha magaaalada iyo duleedkeeda.

Dhacdo aad u xanun iyo argagax  badan ayaa shalay ka dhacday xaafadda towfiiq degmadda Yaqshiid ee magaaladda muqdisho.

Wiil iyo gabar ka mid ah dadka deegaanka ayaa ku heshiiye in ay is guursadaan kadib haasaawe badan oo ay soo wadaagen.

gabadha ayaa ka soo jeeda mid ka mid ah beelaha 4 halka wiilka uu ka soo jeedo beelaha .5 ay soomalidu tiraahdo.

Reerka gabadha ayaa diiday in gabadha loo guuriyo wiilka Balse dadaalo badan uu galay wiilka ayaa waxa uu ku guuleyste in loo guuroyo gabadha iyadoo hooyadda gabadha ay san ku faraxsaneen balse adeeradeed ayaa Ogalaaaday in la siiso.

sidaa ayaa la isugu guuriye muddo marka ay is qabeen ayaa waxa cadaadis badan ka yimid reer gabadha kuna qasbay in uu ufuro gabadha  sidaa ayerna ku kala tageen , balse gabadha ayaa dalbatay in wiilka ay isku noqdaan waa ayna isla fakadeen .

intaa ka dib  hoooyadda gabadha oo abal ba diidaneen Guurka ayaa Soo ka xeesate Dad badan oo ku hubeesan tooreeyo baagado iyo waramo si ay u soo wax yeeleyaan Adeerka wiilka.

Adeerka wiilka ooo lagu magacaabo axmed muqtaar saalax axmed dowlo  oo ka shaqeenaye garaash Ayaa goobta ugu yimaadeen waxayna la dhaceen wax walba ay wateen ,  waxaa ay ugu sii dareen dab oo inta ay baasiin lu shubeen halkaa ay ku gubeen.

Meydka Ninka la dilay oo haddana la gubay ayaa la geeye C.i.d Waxaana qoyska nin ka ay sheeegeen in la aasi karin marxuun ka ilaa gacanta lagu soo dhigo gacan ku dhiiglayaasha falkaan geeste.

Magaaladda muqdisho ayaa baryahaan danbe waxaa ku soi badanaya Falalka foosha xun ay isku geysanayaan shacabka.

Dhawaan ayee aheed kadib markii nin xaaskiisa uu ku gowracay Duleeedka muqdisho.

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here