“Dhaqankeenii Miyiga Qorshe La’aan… Dunidan Casriga Ah….”Guddoomiyaha Ha’yadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland

0
271
“Dhaqankeenii Miyiga Qorshe La’aan... Dunidan Casriga Ah Hab-maamulka Iyo Hogaaminta Cilmiyaysan Ay….”
“Dhaqankeenii Miyiga Qorshe La’aan... Dunidan Casriga Ah Hab-maamulka Iyo Hogaaminta Cilmiyaysan Ay….”

Hargeysa,(Baraarugnews.Net)- Guddoomiyaha Ha’yadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe,ayaa is barbar-dhig ku sameeyay dhaqanka bulshada Soomaalida iyo hab-maamulka hogaamiyeyaasha  dunida casriga ah.“Marka dhaqankeenii miyiga lagu noqdo, qorshe la’aan reer kuma guuri jirin ilaa sahan Iyo qorshe dhaabadaysan oo lagu qanco mooyee. Si la mida ah, dunidan casriga ah ee habmaamulka iyo hogaaminta cilmiyaysan ay jihaynayso ayaa iyaduna ah mid lagama maarmaan ka dhigaysa in dadaalkasta oo hawl qabad aanu ka maarmayn qorshe leh bar bilow iyo dhamaad jaan go’an oo ka dheegmaya talaabooyin, hindisayaal leh ujeedooyin wata natiijooyin lagu qanacsan yahay.

Waxa Ilaahay mahadii ah in Hayada Shaqaalaha Dawladu, iyadoo ka duulaysa qorshaheeda istraatiijayadeed ee shanta sanno ( 2019 – 2024) ay maanta u suurta gashay qabsoomida kulan wadashi laba maalmood ah oo qiimayn dib loogu eegayo Qorshahii hawqabadka ee sanadka sii galbanaya ee 2020 iyo diyaarinta, dejinta iyo in la isla gorfeeyo qorshaha hawlqabadka sanadka soo socda ee 2021. Waxaan u mahad celinayaa dhamaan xubnaha Komishanka Hay’adda, Agaasimaha Guud, Agaasime waaxeedyada iyo madaxda waaxyaha oo si mug leh uga gayb qaadanaya curinta iyo dulucaynta qorshaha hawlqabadka ee Hayada Shaqaalaha ee sanadka 2021-ka.

Tu’san,” Sidaa ayuu ku faafiyey barta u uku leeyahay baraha bulshadu ku wada xidhiidho ee Face-buugiisa oo qaraalkan Shabakada Baraarugnews.net oo xafiiskeeda wararka ee magaalada Hargeysa ka soo xigtay bayjka Face-buugiisa Guddoomiyaha Ha’yadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe.

Emial:-baraarugnews@gmail.com ama Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here