Dhibta Somaliland haysataa waa Hargeysa iyo Muuse Biixi ,Sool iyo Sanaag wax la aq-bali karo…”

0
60
Dhibta Somaliland haysataa waa Hargeysa iyo Muuse Biixi ,Sool iyo Sanaag wax la aq-bali karo…”
Dhibta Somaliland haysataa waa Hargeysa iyo Muuse Biixi ,Sool iyo Sanaag wax la aq-bali karo…”

(Baraarugnews.net)-“Runtu ma fantaa!. Dhibta Somaliland haysataa waa Hargeysa caddaalada taal. Waxa citiraafkeeda iyo horumarkeeda hortaagani meel kasta marayoo waa Hargeysa iyo intay ugu sokaysa ma doonayaan Somaliland la wada leeyahay dalkana waxay bed ahaan ka yihiin Awdal iyo Waqooyi Galbeed 24.3%.

Dalka la kala goynayaa xudduudiisu waxay ku taal Sool iyo Sanaag ee kuma taalo Waqooyi Galbeed iyo Awdal. Maanta waxay maraysaa in wakiiladdii dawlada Soomaaliya intay Jigjiga ka soo degaan ay siday doonaan ugu tamashleeyaan Borama, Wajaale iyo Hargeysa wax la aqbali karo maaha.

Wargays yar oo la xidhaa xal ma keeno, ummaduna maanta uma baahna, haddii siyaasadaada warbaahineed quluubta dadka hantiyi waydo, oo siyaasadaada hogaamineed ummada midayn waydo, oo siyaasadaada nabadgelyo xasilooni dhalin waydo, oo siyaasadaada horumarineed waxba curin waydo, sabab loo indha-adaygaa ma taalee ummada waxaa loo celiyaa ammaanadeeda.

Dal aan siyaasadiisa dhaqaale midaysan oo wax ka bedel u baahan tahay oo dadkii dalka lahaa loogu hanjabo cashuurtii ay iyagu lahaayeen waa ayaandaro.

Haddaan siyaasadda hogaamineed dalka midayn karaynin oo ummada la sii kala kaxaynayo waxay u muuqataa ciil-qab siyaasadeed ee uma muuqato mid hogaamineed.

Madaxweyne Muuse Biixi sidani si maaha, si ummadu qaadan kartona maaha, libinta guusha iyo guuldarada wixii yimaada adiga ayay kugu suntan yihiin, aakhiro la waydiin maayo la taliyahaaga, waxa la waydiin doonaa waa adiga. Dadka ka kuugu necbaa maalintuu talo wanaagsan hayo qaado oo ummadaada hogaami.

Walaahay billaahay tollaahay waan dhaartaye, ma doonayo inaad ku fashilanto xilka iyo ammaanada, bedelkeedii waxaan rabaa in libinta iyo magaca hadhayaa adiga kuu suntamo. Intaad joogto citiraaf iyo horumar yimaado, laakiin Madaxweyne hankaaga hogaamineed Hargeysa oo xaafad ah yaanu noqonine. Hogolahaaga iyo hilaacaagu dalka ha wada hadheeyo, ummadana u noqo dallaayadii ay hadhsanaysay.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here