Dhokomatiga Cadeymaha Dhulka Beerta Caaqil Cali Cabdi Shire Sanadka Iyo Dheeraadka Ugu Xidhan yahay Saldhiga Dhexe Ee Magaalada Hargeysa &Ma Awood Iyo Shaadh Dawladdeed Ayuu Sanad Iyo Dheeraad Ugu Jiraa Saldhiga Dhexe Ee Caasimada Somaliland?

0
252

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Caaqil Cali Cabdi Shire, ayaa muddo gaadhaysa hal sano iyo dheeraad ku xidhan Saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa, Balse Caaqil Cali Cabdi Shire hantida dhulka Beerta ah wakhtiga intaas leeg sifo-sharciga baal marsan  inta qofku ku xidhnaan karo saldhiga bilaa  xukun maxkmad la’aan ah loo haysan-karo a sharciga  u yaal dawladnimada dalka Somaliland.Isla markaa  ma waa waafaqsan tahay nidaamka sharciga ha’yaddaha garsoorka iyo inta qof ciidanka boolisku ku hayn karaan maxbuuska saldhiga dhexe bilaa xukun maxkamadeed in muwaadin ugu xidhnaado sanad iyo dheeraad?

Caaqil Cali Cabdi Shire ma haystaa  sharciga hantida dhulka beerta uu u xidhan yahay sanadka iyo dheeraadla, Mise dhul beer aanu laheyn oo haysan sharcigeedii ayuu doonayaa oo  ugu xidhan yahay saldhiga dhexe ee caasimada Somaliland ee Hargeysa?

Dabagal iyo baadhitaan ay ku sameeyeen Wariyeyaasha ka hawl-gala Shabakadaha Baraarugnews.ne iyo Idaacada Radio Baraarug Media, ayaa helay cadeymaha muujinaaya sababaha keenay  in Caaqil Cali Cabdi Shire oo ka soo jeeda beesha beelaha degaan ahaan degan koonfurta magaalada Hargeysa, isla markaana Caaqil Cali Cabdi Shire ayaa la sheegay in masuuliyiin xukuukamada SOmalilland ugu sareeya ay ku haystaan dhul beer ah oo uu ku leeyahay bariga magaalada Hargeysa.  .Isla markaana  cadeymaha Dhokomati waraaqaha  dhamaan waaxyaha nidaamka shaqada dawladda u qaabilsan dhanka sharciga u dhulka beeraha ee dawlada Somaliland ayaa baadhintaan dheer oo ku sameeyeen wariyeyaasha Warbaahinta Wakaalada Baraarugnews.net iyo radio Baraarug.com iyo Baraarugmedia heshay cadeymaha cidda xaq u leh dhulka beerta haleeya ee bariga magaalada Hargeysa, kuwaasoo muujinaaya ama si cad loo arkaayo cidda dhulka iska leh sharciyan  cadeymo buuxa oo muujinaaya in dhulka Beerta ku taal xaafada Haleeya ee jidka Berbera iyo Hargeysa ee bariga magaalada Hargeysa uu leeyahay Caaqil Cali Cabdi Shire.

Sidoo kale waxaanu Halkan  idinku soo bandhigaynaa dhamaan  dhokomatiga cadeynaaya Beerta oo Wasiiradda hawlaha guud iyo guryeynta Cali Mareexaan iyo wasiirkii Beeraha Prof Geedoole ee xukuumadii Axmed Siilaanyo ayaa saxeex qoraal waraaq ah ku wada cadeeyay innuu Caaqil Cali Cabdi Shire leeyahay beerta bariga magaalada Hargeysa, iyo maxkamada Gobolka Maroodi-jeex waliba  maxkamada degmadaooka ayaa hore ugu xukumay innuu dhamaan leeyahay dhulka beerta caaqil Cali Shire. Haalkan Hoose dhamaan ka wada akhriso waraaqaha sharciga iyo Cadeymaha Caaqil Cali Cabdi Shire ee dhulka beerta uu u xidhan yahay sanadka iyo dheeraadka ee Saldhiga dhexe ee magaalada

Caaqil Cali Cabdi Shire Ma Awood Iyo Shaadh Dawladdeed Ayuu Sanad Iyo Dheeraad Ugu Jiraa Saldhiga Dhexe Ee Caasimada Somaliland Hargeysa?
Caaqil Cali Cabdi Shire Ma Awood Iyo Shaadh Dawladdeed Ayuu Sanad Iyo Dheeraad Ugu Jiraa Saldhiga Dhexe Ee Caasimada Somaliland Hargeysa?

Su’aalaha aanu jawaab u helin:-Caaqil Cali cabdi Shire Yuu  sanadka iyo dheeraadka ugu xidhan yahay saldhiga dhexe ee guadaha magaalada Hargeysa?

Ma awood iyo shaadh dawladeed ayaa lagu haystaa oo u xidhan yahay Caaqilku, mise sifo sharciya?

Yaa haysta, oo mudada sanadka iyo dheeraadka saldhiga dhexe ugu xidhan yahay caaqil Cali cabdi Shire,?

Dhamaan waraaqahan madaama Wasaaradihii dawlada iyo waaxdii garsoorka maxkamadaha Somaliland xukun ka soo saareen maxaa keenay in go’aankoodii shaqayn waayo.?

Caaqil Cali cabdi shire isagoo sharcigii Beertiisa haysta maxaa keenay innuu sanad iyo dheeraad ku jiro Saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here