Digrigii Xubbiga /W/Q :-Siciid M. Beegsi

0
165

Waa wiil reer Hargeysa ah, ha se ahaatee wuxuu cumraysi u tagey magaalada Maka ee dalka Sucuudiga. Waa meel Alle wax ka wadee, halkaas buu ku la kulmay gashaanti Soomaaliyeed oo lafteedu reer Hargeysa ah laakiin Maka waxbarasho u joogta; inantaasi waa ta laabqaadday ee tubtii Boodhari ku ridday. Xidhiidhka haasaawe ee kalgacalka leh waxay ka unkeen halkaas.

Waa socoto xaalkeede, wiilku kolkii uu dantiisii hore ee cumrada ahayd Maka ka gutey, wuxuu u soo ambabaxay Hargeysa, laakiin wuxuu Maka kaga tagey gacalisadiisii wadnaha deggenayd.

Kolka labada qof ee is jeceli kala fogaadaan waxaa sare u kaca hilowga. Sidaas darteed, labadan jasad ee Maka iyo Hargeysa kala jooga dun baa isu haysa, malaha waa ruuxaha mataanaha ah ee ku kala jira labada jidh ee kala durugsane! Haddaba, inanku markii uu Hargeysa yimi, xidhiidhkii haasaawe ee uu inanta Sucuudiga joogta la lahaa is ma dhimin ee wuxuu ahaa tabtiisii; illeen waa duni casri ahe, waxay ka wada socdeen qalabka isgaadhsiinta horumarsan, sida internet, telefoon… kalgacalkooduna wuu sii dararayey uun.

Haasaawihii oo halkiisii ah, wuxuu wedku helay wiilka aabbihii. Hargeysa ayuu ku xijaabtay. Naxdinteeda ayay lahayde, geeridaasi waxay inanka oo kolkiisii horeba dhibbane jacayl ahaa ku sii biirisay nuglaan, waanu ka soo kaban waayay, maadaama oo uu aabbihii aad u jeclaa carruurta kalena isaga dhowaayeen. Dhinac wuxuu ka murugaysan yahay geerida aabbihii iyo kaalinta nololeed ee ku bannaanaatay, dhanka kalena wuxuu ka werwersan yahay jacaylka ka fog iyo waxa uu ku dambayn doono. Waxaa saaran cadaadis maskaxeed ba’an.

Xaalka oo sidaas ah, ayay maalin inanka la soo hadashay inantii, waxaanay u sheegtay in wadnuhu xanuunay. Waxay sii raacisay in ay xanuunkeeda u malaysay durro ama jin. Jinka, durrada… waa xanuunno badanaa haweenku ka cawdaan. Inanku kolkii uu yar waraystay wuxuu ku la taliyey in ay dhakhtar wandnaha ah aaddo, se aanay tagin meelaha la yidhi waxaa lagaga dawoobaa jinka, sixirka, isha… sida cilaajyada.

Inanti taladaas waa ay yeeshay waxaanay tagtay dhakhtar wadnaha ah. Dhakhtarkii wuu ka dayriyey xaaladdeeda caafimaad, waxaanu yidhi xididdada wadnaha qaarkood baa xidhan, sidaas aawadeed waa in la qalaa. Waalidkeed baa sidaas lagu wargeliyey, tabaabulshe ka dibna inantii la qal.

Xaalkii inantu wuu ka soo reeyay kolkii la qalay. Laakiin, nasiib darro, inantii oo baxnaano ku jrta ayaa maalin kuftay, dabadeed nabarradii baa damqaday, waxaana mar kale loo qalqaaliyey qalliin labaad. Sidii baa lagu qalay. Kii labaadna ka kacday oo way ladnaatay. Waa ayaandarro kale ee haddana xanuunkii wadnuhu ka ma tagin! Maxaa la yeelaa? Dhakhtar kale ayaa la geeyey. Qalliin saddexaad bay gelaysaa, kolkii horena farsamada ayaa ka xumaatay, waa in lagu rakibaa tuunbooyin dhiigga qaada, ayuu yidhi dhakhtarkiina. Qof buka boqol u talisaye, sidiina la yeel oo inantii kolkii saddexaad baa wadnaha laga qalay.

Waxaa fiiro leh, inantu intaa ay kolba qalliin gelayso ee rafaadsan tahay haddana wiilka way la soo xidhiidhaysaa oo marka ay koomada ka baxdaba qofka koowaad ee ay la hadashaa waa isaga. Kolkolna way ku qarowdaa oo marka ay soo miirawdaba qofka dul taagan bay isagii mooddaa oo ‘hebelow!’ dhahdaa. Xaalad kastaba ha ku jirtee, jacaylka iyo ballanka guur baa ku dheeraa. Inankii isaga culayskii geerida aabbihii waxaa ugu sii darsamay xanuunka gacalisadiisa, waxaanu ku jiraa xaalad cakiran.

***

War dhiillo leh! Inanta teedii ayay noqotay oo sidaas bay ku godgashay. Warkaas baa la soo tebiyey. Inankii wuxuu la heedaddaabayaa labada geeriyood ee ku kala yimi labadiisii garab ee nolosha – aabbihii iyo jacaylkiisii. Alle ha u naxariisto labadaba.

***

Haddaba, waxaa sheekadaas xanuunka leh maansadan la dhaho “Digrigii Xubbiga” ka tiriyay halabuur Cabdiraxmaan Axmed Cumar “Haldhis”.

Qisadan waxaa Cabdiraxmaan-Haldhis uga sheekeeyey isla ninka qisada leh qudhiisa oo Haldhis saaxiib dhow la ah.

Qiso weeye qofkii maqlaba taabanaysee, waxaa isaguna Cabdiraxmaan-Haldhis ka dib tix ka curiyey Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame”.

Maansada “Digrigii Xubbiga”

– Cabdiraxmaan-Haldhis

Waktigu dardar buu ka yahay
Mar kale door buu ka yahay
Dahsoonna mar buu u yahay
Dunida safarkeeda taxan

Nolosha duubkeeda dheer
Markani gurigaan dugsaday
Dawaar adag baa furfuran
Darmiyo gogoshii la laab
Labada dhinac baan ka dayey
Dacalka midig baa babbaday
Darafka bidix baa ku xigey
Markuu seeskiisu dumay
Dawanka dhiilladu ka yeedh

Durtaba cabsi baan dhex galay
Dareen cidla’ aan dhex tagey
Docdii wehelkaa bannaan

Duruufahan yaabka badan
Dharaarahan daalka badan
Xanuun daran baa ku ladhan

Naftayda dab baa ku shidan
Boggana damqashaa ku mudan

Jidhkani i dubaaxiyoow
Digtoor ma hayee miyaan
Anigu ku dawayn karaa
Dibiib kuu noqon karaa
Didmada kaa celin karaa

Wadnaha i daloola ee
Haddana i danqaabayoow
Wuxuu dildillaac ku yimi
Wadnii ku dabooli laa!

Diyaarad Riyaad ka timi
Dushayda ma sooo martee
Dabaysha dhacdaay i qaad!

Ayaamahan diifta badan
Daruur onkoddaay i qoo

Dariiqba dariiq ka dheer
Dhabbadu sii duragtayeey
Dalcaddu sii koradhayeey

Hadh baan doondoonayee
Markuu damalkaygu dhacay
Cadceedda is daashanneey

Markuu  jawi diirran lumo
Dubkiyo dhaxantaa is hela

Qof kuu ah dugsoon kalgacal
Qof kuu ah difaac qofnimo
Qof kuu ah daryeel ku sida
Hadduu dakhar yari ku dhaco
Waxaa deristaan naxdine

Dhabeel diran bay ahayd
Qof eega dantay ahayd
Dulqaad qof le bay ahayd
Darbiga samirkay ahayd
Dubbaha xumahay ahayd
Qof diin jecel bay ahayd
Dumarka jannaday ahayd

Maxay dun xariiri tari
Haddaan lays daynahayn

Dabeecad wanaagsaneey
Maxay sharaf doora iyo
Lahayd dadnimiyo xishood

Waxaan u jeclaa dadkoo
Darteed  baan faraxsanaa
Dhawaanna dugsaan lahaa

Wax see arrinkaa dellegay
Talada dakharkaa ku dhigay
Dillaan dhacay kaayihii

Dugsiga noloshee baxaay
Dambarka samehee gudhaay
Dabayl farxadeed go’daay
Shimbirka duulee tagaay
Gabbalka dhacayee dumaay
Dayaxa nuuree libdhaay
Laydhkii araggee damaay

Digriga xubbigaad tahee
Haddaan dabadaa qof helo
Xuskaaga ma duugi karo!

Daartaad ku lahayd qalbiga
Adaa ku dakaynayoo
Dhexdeeda dawaafayee
Dayrkeeda xusuusta mudan
Habaasku ma daari karo

Jacaylku qolkuu dhex degay
Albaabka dartaa u  furan
Lillaahi ku daabacnow

Salaadda markaan dukado
Durraansiga Eebbeheen
Wuxuu dalabkaygu yahay
Si daacada oo kal furan
“Jannada ha dabbaalatee
Rabboow durdurkeeda gee”

Si aan hadal uga dambayn
Tixdana dulucdii u lumin
Waxaan dabarkaa ku xidhay
Rabbow ducadaa ajiib!

W/Q. Siciid M. “Beegsi”


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here