Doorashooyinkii Wakiilada Iyo Golayaashada Degaanku Dibay U Dhacayaan. Xisbiga KULMIYE iyo Muuse Biixi Ma Iyaga Ayaa Dambigaa Iska Leh

0
341
Doorashooyinkii Wakiilada Iyo Golayaashada Degaanku Dibay U Dhacayaan. Xisbiga KULMIYE iyo Muuse Biixi Ma Iyaga Ayaa Dambigaa Iska Leh
Doorashooyinkii Wakiilada Iyo Golayaashada Degaanku Dibay U Dhacayaan. Xisbiga KULMIYE iyo Muuse Biixi Ma Iyaga Ayaa Dambigaa Iska Leh

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-“Guddoomiyaha Guurtida Saleeban Maxamuud Aadan ayuu aha masuulkii ugu sareeyay hay’adaha Dawladda ee todobaadkan ina dareensiiya in aanay doorasho qabsoomayn Madaxweyne Muuse Biixi na afka taas ka dhawraayo… Isla maanta ayuu Xisbiga KULMIYE oo Axmed Cabdi Dheere u hadlay xaqiijiyay In aanay Dalka doorasho ka qabsoomayn, ninkii u fadhiyowcandhuuftaada dib u liq..

Markay sidaa tahay yaa leh masuuliyada koobaad ee qabashada doorashada. Madaxweynaha ayaa leh masuuliyada dibu-dhac kasta oo doorashada ku timaada, amarka illahay waxaanu Muuse Biixi noqonayaa Madaxweynihii u horreeyay ee isagoo aan sannadba joogin soo ooda doorashooyinkii Dalka, Horaa loo soconayadii dibaa loo dhaqaaqaya ayay dhashay..

Madaxweynaha waxa u taala Somaliland oo aan 13-sanno doorasho baarlamaan qabsanin oo caalamkii ay ka iibin jirtay doorashooyinku la yaaban yihiin wuxuu ka yeelaayo. Madaxweynaha waxa u taala culayska muwadiniin 8-sanno sugaayay in doorasho Golihii Wakiilada ah loo qabto, 2-sanno oo buure ahna sugaayay in doorashooyinkii Golayaasha degaanka loo qabto, si ay u gutaan xuquuqdooda Dastuuriga ah ee dhigaysa in la doorto waxna ay doortaan. Madaxweynaha waxa u taala inuu go’aan ka gaadho saami qaybisiga Gobolada ee kuraasta Golaha Wakiilada oo ah caqabada ugu wayn ee Golaha joogana ay dhufayska ka dhigteen, Madaxweynaha waxa u taala Inuu go’aan Madaxweyne ka gaadho oo aanu isku dhajin Koomiishanka muddo xileedkiisiba dhammanaayo bisha sagalaad ee sannadka cusub, si masraxa ay uga wada muuqdaan Xisbiyada iyo daneeyayaasha doorashooyinku… Madaxweynaha waxa u taala inuu muranka, garnaqsiga iyo af maroorinta iskadaayo oo isu diyaariyo Madaxweyne Qaran oo go’aamo masiiriya laga sugaayo..”sidaa ayuu ku faafiyey barta uu ka isticmaalo baraha bulshadu ku wada xidhiidho ee facebuugiisa Muniir Axmed Cigaal oo ka mid ah madaxda xisbiga Waddani.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here