Duqa magaaladda muqdisho oo u gu baaqay bulshadda soomaaliyeed in la garab istaago caruurta agoonta ah.

0
36

Mogadisho (Baraarug news.net)

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo booqday Xarunta Agoonta Booliska Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in la garab istaago Agoonta.

Eng. Yarisow ayaa mid mid u gacan qaaday dhammaan caruurta agoonta ah ee ku nool xarunta, waxuna ka waraystay xaalkoodu sida uu yahay iyo waxbarashada ay helaan heerka ay tahay.

Guddoomiyaha ayaa xusay in agoontu ay u baahanyihiin taageero iyo garab istaag, isla markaana uu Maamulka Gobolka Banaadir mar walba diyaar u yahay sidii ay caruurta ku nool Caasimadda, gaar ahaan kuwa agoonta ah u heli lahaayeen daryeel wanaagsan.

“Mamulka Gobolka Banaadir waxuu mar walba u taagan yahay gacan siinta bulshada Caasimadda, gaar ahaan waxaan xil gaar ah iska saaraynaa agoonta oo xiligan u baahan

daryeel, gaar ahaan Waxbarasho iyo bar-baarin wanaagsan”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la qadeeyey caruurta agoonta ayaa kormeeray qaybaha ay ka kooban tahay xarunta xanaanaynta caruurta, waxana kormeerka ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Booliska S/G Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac Taliye ku xigeenka Booliska Sarreeye Guuto u xiray Zakiya Xuseen Axmed, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed, saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here