Faddeexada Iyo Ceebta Dul-hoganaysa Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland  Iyo Tiradda Gaddiidka Ciidanka Lagala Goostay Somaliland &Caydiid Axmed  oo Ka Hadlay Xilka u magacabayo Madaxweynaha Puntland Iyo  Sababtii keentay Inuu  Taliyihii  Aaga Badhan  u galo Garoowe

0
294
Faddeexada Iyo Ceebta Dul-hoganaysa Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland  Iyo Tiradda Gaddiidka Ciidanka Lagala Goostay Somaliland &Caydiid Axmed  oo Ka Hadlay Xilka u magacabayo Madaxweynaha Puntland Iyo  Sababtii keentay Inuu  Taliyihii  Aaga Badhan  u galo Garoowe

Hargaysa (Baraarugnews.net)Taliyihii Ciidanka Booliska deegaanka Badhan ee aaga bariga  Gobolka Sanaag ee Somaliland Caydiid Axmed Nuur, ayaa ka goostay ciidamada booliska ee Somaliland, isla markaana waxa la sheegay in Taliyaha xukumi jiray aaga bariga Sanaag ee ka goostay ciidanka booliska uu ahaa nin ay ku dheer tahay, kuna weyn tahay qaran-nimada iyo Somaliland-nimada oo uu siweyn u aamisan.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Taliye Caydiid Axmed Nuur uu ahaa nin gaadiid badan oo askar hore kala baxsadeen ciidanka Gobolka Sanaag dib u soo celiyey, keenayna hantida lagala baxsaday ciidanka qaranka, oo dib uga soo celiyey markii askartii dhacday ula galeen maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, Balse Taliye Caydiid Axmed Nuur ayaa la sheegay innuu ahaa laf dhabar kaalin weyn ugu jiray difaaca Gobolka Sanaag ee Bariga Somaliland.

Qaar ka mid ah saraakiil ciidanka Booliska Somaliland oo ka gaabsaday in magacooda la sheego sababa la xidhiidha innuu warankan saameyn ku yeesho, ayaa u sheegay Wakaalada Wararka Baraarugnews.net, in bilihii aynu soo dhaafnay xilka laga qaaday Caydiid Axmed Nuur, loona magacaabay nin ka soo jeeday beeshiisa Warsan-gali ee degta deegaanka Badhan, ka dib taliyihii xilka loo soo magacaabay uu xilligaa Taliye Caydiid Axmed Nuur ku wareejiyey laba gaadhi iyo dhamaan hantidii uu hayey ee aaga bariga Gobolka Sanaag ee Badhan.Balse haddana muddo yar ka dib marlabaad xilkii laga qaaday lagu soo celiyey Taliye Caydiid Axmed Nuur,isagoo ninkii xilka hore ugala wareegay ee beeshiisa ahaa isna mar kale xilkii uu dhawaan taliyaha uu ku wareejiyey mar kale kala wareegay, oo dib uga tirsaday, taasoo la tilmaamay in taliyihii uu dib jagadii uu hore u hayey ka tirsaday uu ku wareejiyey Taliye Caydiid Axmed Nuur markii dib loogu soo celiyey xilkii laga qaaday saddex gaadhi oo middi qabaal cad oo gaadiidka askarta lagu qaada ah iyo  laba gaadhi oo kuwa yar-yar  ee tiknikad ah.

“Waan ka goostay Somaliland, immikana waxaan ku suganahay magaalada Garoowe.Garashadayda iyo dareenkayga ayaa I siiyey innaan ka tago ciidanka booliska Somaliland.Sababna waxa u ah taliyaha ciidanka booliska Somaliland Cabdillaahi fadal Iimaan oo sabab u ahaa innaan ka tago ciidanka. Horumarkii aan masuulka ka ahaa iyo shaqadaydii oo dhan ayuu diiday innaan hore-mariyo iyo dhaqan-xumo aan qurux badnayn iyo qiimo la’aan ayaan kala kulmay aan isku afgaran waynay, dabadeed waxaan go’aansaday innaan iskaga tago. Wasiiradda, masuuliyiinta iyo Badhasaabka Badhan ee beeshayda ee ka tirsan xukuumadda Somaliland waan u sheegay, wax-ba way ka qaban kariwayeen, markaa saddexda gaadhi ee aan ka xaystay way jiraan.Immika waxaan la joogaa Madaxweynaha puntland. Haddii xil lay magacaabana waan la shaqaynayaa, markaa haddii alle ka dhigo xil sare ayaa lay magacaabayaa. Maanta nidaamka iyo xaalada ay ku sagan tahay Somaliland, nidaamba maaha oo sida maamulka dawladda Muuse Biixi loo dhaqmayo, siba maaha oo wax hore u jiray maaha.”sidaa ayuu yidhi Taliye Caydiid Axmed Nuur oo u waramay Telifeeshanka Bulsh.

Geesta kale, baadhitaan ay sameeyeen warbaahinta  Baraarugnews.net ka hawl-gala Gobolada bariga Somaliland gaar ahaan Gobolka Sanaag, ayaa saraakiil ka tirsan Taliska guud ee ciidanka Booliska ee magaalada Hargeysa, ayaa xaqiijiyey inay jirto hab-dhaqano aad u fool-xun oo intii uu xukunka hayey Muuse Biixi uu ku kacay Taliyaha booliska Cabdillaahi fadal Iimaan,kuwaasoo hoosta ka xariiqay arrimaha wakhtiyadan dambe ku soo kordhay taliyeyaasha booliska in la isku garaco oo la isku dilo iyo qaab fool xun oo dhaqan ahaan iyo ficil ahaan-ba la moodo qaab ciyaal suuqnimo ah taliyeyaasha xilka looga qadayo, ama loo badelayo, iyadoo taliye qaybeedkii xukumayey deegaanka Badhan ee booliska Somaliland in nin ka mid ahaan jiray askarta booliska oo suuqa joogay, beel ahaana ka soo jeeda beesha Warsangali qaab hoose loo magacaabay, ka dib ninkaas oo magaciisa ay noo suurta galiweyday innaanu helno, oo waraaq ay ku taalo saxeexii taliya iyo shaabadii xafiiska Taliye Fadal uu ula tegay taliyaha goosta Caydiid Axmed, kaasoo Taliyaha u galay Puntland intuu magaalada Badhan ugu tegay subax ku yidhi adeer kursiga banee oo waraaqdan akhriso. Isla markaana Taliyaha goostay ciidanka booliska Caydiid Axmed ayaa la sheegay isagoo bahdilaad qaab masuul hayey hawl qaran oo kale loola dhaqmin ama xilka lagala wareegin lagula kacay, uu haddana mar kale nin waraaq sita oo leh taliyaha booliska ayaa I soo magacaabay Cabdillaahi fadal uu ula tegay, taasina keentay hab-dhaqanada aadka ugu foosha xun shuruucda ciidan boolis oo kale eek u dhaqmaayo taliyihii guud ee booliska Somaliland ayaa keentay in taliye laf dhabar u ahaa, waliba deegaan xasaasi ah oo xuduudkiisa muran ka taagan yahay oo isku haystaan Somaliland iyo puntland in qaabkaas oo kale loo badelo.

Saraakiisha aqoonta dheer u leh arrimaha iyo nidaamka ciidamada booliska, ayaa sheegay inay caadi tahay in taliye qaybeed la badelo ama xilka laga qaado oo lagu badelo Taliye qaybeed kale,iyagoo xusay in taliyaha laga qaaday xilka lagu yidhaahdo adiguna xil suge ayaad ahaanaysaa, sidaana ku wareeji xilka, waligeedna sidaas ayey ahaan jireen Taliye qaybyada booliska oo waa loo magacaabi jiray, Balse markaTaliyaha guud ee xukuma ciidanka Boolis ee aqoon dheer u leh arrimaha shaqada iyo waliba dareenada ku xeeran deegaanka wakhtigaas Taliye qaybeedka la doonayo in xilka uu hoyo ee booliska laga badelo marka hore waa loo yeedhaa, oo taliska guud ayaa la yidhaahdaa kaalay, oo Hargeysa soo gal ayaa la yidhaahdaa, iyadoo si sir ah loogu yeedho, markaas ayaa xilka laga badelaa oo taliye kale ayaa la magacabaa, dabadeed ka dib ayaa xilka laga wareejiyaa oo qaabkaas ayaa xilka lagaga tiriyaa Taliye qaybeedyada booliska markaa isagoo gacanta waxba ugu jirin ayuu xilka wareejiyaa.

Saraakiisha aqoonta u leh arrimaha ciidanka booliska, ayaa sheegay in taliyaha ciidanka boolisa Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan intii uu hayey jagada ama ahaa Taliyaha booliska uu burburiyey meeshana ka saaray awoodii uu lahaa Taliyaha guud ee ciidanka booliska, isla markaana waxay xuseen in Taliyihii dhamaa ee xukumayey badka dhul ahaan qariirada Somaliland ku fadhido ka amar qaadanayo gacmo kale iyo Wasiiradda xukuumadda Muuse Biixi ee aan shaqada ku laheyn arrimaha ciidanka booliska.

Sidoo kale, saraakiisha ayaa sheegay in taliyahan Caydiid Axmed Nuur oo kale aheyd intii aan la magacaabin nin Hargeysa jooga inta waraaq loo qorin, lana odhan adiga ayaa lagu magacaabay Taliyaha deegaanka Badhan, laakiin Taliyeyaasha jooga meel xaaladeeda amaan iyo deegaano, ama Gobolo xaduud ahaan lagu muransan yahay oo maamul kale la is haysto aqoon ahaan taliyeyaasha maamula waa loo yeedhaa inta qof kale la magacaabin, arrinta taliyaha booliska Cabdillaahi Fadal looga baahnaa aheyd in markii hore intaanu xilka ka qaadin Caydiid Axmed Nuur uu yidhaahdo soo dhaadhac oo Hargeysa kaaley, isla  shakhsiyaadka taliyaha booliska Cabdillaahi Fadal Iimaan ka amar qaato ee gacanta kula jira shaqadiisii iyo awoodiisii kala wareegay ay ka mid yihiin xooghayaha gaarka ah ee Muuse Biixi Mubaarik Ismaaciil Taani iyo shaqkhsiyaad kale oo ka soo jeeda beesha Madaxweynaha.

Xafiiska Wararka ee Baraarugnews.ne

MIAL:- Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here