Faddeexada Madaxtooyada Hargeysa:-Wareegto Xil Ka Qaadis Iyo Magacaabis &Muuse Biixi Miyuu Ilaawayd Saxeexii Iyo Shaabadii Dawladda Somaliland?

0
760

Hargeysa, (Baraarugnews.net)- Warsaxaafadeed ka soo baxay aqalka Madaxtooyada Somaliland, ayaa waxa ka soo baxay wareegto bilaa saxeex iyo shaabad aan lehayn oo xilal iyo magacaabis uu sameeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-179/082018, uu maanta ku magacaabay masuuliyiin cusub.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne Magacaabida

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey:-  In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:

  1. Baashe Cawil Cumar Wakiilka Somaliland ee Dalka Kenya.
  2. Xasan Hirad Yaasiin Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta.

 

  1. Bashiir Sheekh Cumar Good Wakiilka Somaliland ee Dalka Maraykanka.
  2. Cabdillaahi Cabdi Cali (Dhakaar) Ergayga Gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan Urur Goboleedka Horumarinta iyo Xidhiidhka Bulshada Bariga Afrika (EAC) .
  3. Xasan Axmed Ibraahin (Embassy) Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka.

Waxaan uga mahadcelinayaa muddadii uu hayey xilka Qaranka Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Maraykanka Mudane, Rashiid Maxamed Nuur (Gaaruf).

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here