Faddeexaddii Abid Ugu Xumayd Oo Ka Taagan Xafiiska Madaxweynaha Somaliland &Ceebta Ka Dhalatay Xubnihii Muuse Biixi u Magacaabay Guddida Xaquuqal Iisaanka

0
1235

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Xubintii  Aqalka Golaha guurtida Somaliland u Gudbiyeen  Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee u matelaysay dhinaca Guurtida xuquuqul iinsaanka, ayaa waxa ka dhacday budh-cadnimo iyo hab-dhaqan masuuliyad-daro iyo dastuur jabin tuuganimo ah ku kacay Muuse Biixi oo badelay  musuq-maasuqayna xubintii aqalka Guurtida Somaliland ka socotay,, isla markaana xubinta laga saaray ee lagu buuxiyey xubinta tuugada waxa ka dhashay faddeexad weyn oo hadhaysay xafiiskii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

xubinta Mudanayaasha aqalka Golaha guurtida Somaliland u gudbiyeen Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa aheyd magaca xubinta Guurtidu gudbiyeen inay ku matesho xaquuqal Iisaanka Mujaahid Cabdi Cismaan Cabdulle(Farjar), Balse waxa lagu badelay  Saleebaan Warsame Guuleed oo ku daray Guddidii uu magacaabay Maalintii dhawayd ee bishu aheyd 3/2018 uu digreetada ku magacaabay madaxweyne muuse Biixi, isagoo xubintii ay guurtidu gudbisay ee  sharciga dastuuriga siiyay la badelay ,lana musuq-maasuqay.

Geesta kale, xogo lagu kalsoon yahay, kana ag-dhaw xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa xaqiijiyey in arinka uu lug weyn ku lahaa kana dambeeyay oo ka shaqeeyay Wasiirka wasaarada Xidhiidhka Golayaasha iyo Arimaha Dastuurka Somaliland Shiikh Maxamed Aadan Cilmi, isla markaana xogahaa ayaa xusay in shir-gudoonka aqalka Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan Iyo ku-xigeenadiisu ka xanaaqeen, kana cadhooday talaabada foosha xun ee Muuse Biixi ku kacay iyo sharci jabinta durba uu ku kacay Madaxweyne Muuse Biixi, taasoo muujinaysa sawirka ah in hannaankii dawladnimo iyo kala tambaynta sharciga ha’yaddaha dastuuriga Somaliland khatar ku tahay arrinta foosha xun ee ka dhacday aqalkii looga taliyo shacabka reer Somaliland.

Hase yeeshee, xogahaa ayaa sheegay in khilaaf xoogan ka dhex-qarxay Guddoomiyaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan Iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isla markaana Muuse Biixi ayaa shir qarsoodiya oo uu la yeeshay xildhibaanada Guurtida ugu jira beeshiisa Habar-awal waxay ku tashadeen, isagoo Muuse Biixi si gaar ah ugu amray xildhibaanada guurtida ee beeshiisa Sacad Muuse iyo Ciise Muuse inay ka shaqeeyaan sidii looga tuuri lahaa kursiga Guddoomiye Saleebaan oo Muuse Biixi uu sheegay innuu caqabad weyn ku yahay dawladiisa markaana olole u galaan siddii daaqada looga tuuri lahaa saleebaan Maxamuud oo khilaaf cakiran ka dhex taagan yahay Muuse Biixi.

Baraarugnews.net Caarshe7@hotmail.con


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here