Gaadiid Hub Iyo Tikniko Lagu Qabtay Duleedka Ceel-afweyn &Rasaasta Iyo Nooca Hubka,Rasaasta Saanadka Ciidan Oo Muujinaysa Gacansaar shir-qool Innuu ka jiro Xukuumadda Muuse Biixi

0
311

Ceel-afweyn,(Baraarugnews.net)-Koox ku hubaysan Tiknikada dagaalka noocaydooda kala duwan iyo saadka ciidamadu isticmalaan, ayaa la sheegay in lagu qabtay magaalada Ceel-afweyn,isla markaana wararka kala duwan ee laga helayo deegaanka Gobolka Sanaag, ayaa sheegaaya in kooxahan ay ka dambeeyaan oo gacansaar la leeyihiin siyaasiyiin xisbiga Kulmiye iyo Wasiiro ka tirsan xukuumadda Kornayl Muuse Biixi Cabdi.

Hub iyo Saanadan Ciidan ee iminka galabta la qabtay ayaa laamaha amaanka  la sheegay in xukuumada Muuse Biixi, oo ka cudur-daartay inay faahfaahin ka bixiyaan kooxaha lagu qabtay hubka iyo agabka kala duwan ee isugu jira cuntooyin, shidaal, dawooyin iyo dhamaan sahayda saadka ee inta badan is ticmalaan ciidamada inay yihiin  Ciidan Beeleed dhowaan Ceelafweyn Ku layay dumar iyo laba nin laba maalmood ka hor lix qof ku toogtay gudaha magaalada Ceel-afweyn, Balse xogo lagu kalsoon yahay oo ku sugan deegaanka Ceelafweyn ayaa u sheegay shabakada Baraarugnews.net xafiiskeeda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo in dilalka lala beegsanayo dadka maantada ah ay jirin dad is dilaaya oo deegaanka ah, laakiin waxa ka dhacaaya Gobolka Sanaag ay ka dambeeyaan maamulka Muuse Biixi iyo siyaasiyiin xisbi-xaakimka Talada dalka Haye ee Kulmiye, kuwaasoo adeegsanaaya laamaha amaanka ee Gobolka Sanaag.

Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here