Gabadh U Dhalatay Dalka Yeman Oo Soddon Sanadood Aan Afka Kala Qaadin Oo Qaliin Loo Sameeyay !

0
96

Caafimaadku waa arrin muhiim ah nolosha aadmiga, afkuna waxa uu ka mid tahay xubnaha ugu muhiimsan ee jidhka qofka, waxaana hubaal ah in qofku haddii uu afka kala qaadi kari waayo aanu waxba cuneyn waana arrin dhibaatadeeda leh.

Gabadh u dhalatay Dalka Yeman ayaa waxay muddo 30 sano ah la soo dhib mudatay dhibaato ka soo gaadhay afka, taasi oo sababtay inay afka kala qaadi kari weydo, gabadhan ayaa waxa magaceeda la yidhaahdaa Faadumo waxa aanay muddadaasi 30 sano ah la siin jiray oo cabitaano keliya.

Sida uu Wargeyska Himlo ka soo xigtay shabakada Wararka ee Al-arabia Dhakhtar u dhashay Dalka Hindiya ayaa waxa uu ku guuleystay inuu qaliin dhif iyo naadir ku ah Adduunka oo magaciisa la yidhaahdaa Temporomandibular xanuunkaasi oo aad u yar ayaa waxa uu ka dhashay isku dheg ka dhex dhaca Daanka Iyo Maskaxda oo ay adagtahay in la kala saaro.

Dhakhtarka u dhashay Dalkaasi Hindiya ee qaliinkaasi ku fuliyey Faadumo oo la yidhaahdo Guard ayaa waxa uu ku fuliyay muddo 4 saacadood ah waxaanu sabab noqday farxada Faadumo iyo qoyskeeda oo muddo 30 sanadood ah ku jaha wareersanaa dhibaatadaasi.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here