Hargeysa,(Baraarug.net)-Gantaalo lagu weeraray dalka Sucuudiga, isla ,markaana waxa la sheegay in kooxda Xuutiyiinta ka dagaalama dalka Yaman ayaa ku riday.
Afhayeenka Xulufada Sucuudiga ee dagaalka kula jirta Xuutiyiinta Yemen ayaa ka hadlay sida ay uga hortageen iyo magaalada lagu riday ee gudaha dalka Sucuudiga.
Afhayeenka u hadlay isbaahaysiga sucuudigu hogaamiyo oo lagu magacaabo Turki al-Malk, ayaa sheegay in gantaalladan hawada lagu bur-buriyay sabtidii shlay, Balse wuxuu sheegay in weerarkan ay ku tuhmayaan kooxda Xuutiyiinta ee dagaalka kula jiraan ee saldhiggoodu yahay dalka Yemen.
Wuxuu intaa ku sii daray Al-Malki in bur-burka gantaalada ay wax-yeello gaadhsiiyeen deegaano ka tirsan labadan magaalo ee Riyadh iyo Jazan.
Afhayeenka Turki al-Malk oo u waramayey wakaaladda wararka ee Sacuudiga ee Ap-carabiya ayaa u sheegay in gantaalladan lagu burburiyay lidka diyaaradaha ee uu soo saaro dalka Maraykanka, kaasoo lagu magacaabo US Patriot.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in aanu jirin ilaa hada cid sheegatay gantaalaha lagu soo riday Riyadh iyo Jizan masuuliyadda weerarkan uu sacuudigu sheegay in lagu soo qaaday.