“Gudashada Xilkiisa, Sixida Gefkiisa, Geediga Nolosha Gaaban…”Maxamuud Xaashi Cabdi.

0
76
“Gudashada Xilkiisa, Sixida Gefkiisa, Geediga Nolosha Gaaban…”Maxamuud Xaashi Cabdi.

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Wasiirkii hore ee madaxtooyada ee xukuumaddii Axmed Siilaanyo  Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa qoraal yar oo kooban kaga hadlay hogaamiyeyaasha guulaysta iyo kuwa guul darayta, isla markaana Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa hadalkiisu u dhacaayey duur xul uu ula jeedo habka Muuse Biixi maanta u hogaaminayo dalka Somaliland. “Maxay wadaagaan Hogaamiyayaasha Guulaystay iyo kuwa Guul daraystay? Maxayse ku kala duwan yihiin?

Hogaamiyayaasha guulaystay iyo kuwa guul daraystay labaduba waxay ka siman yihiin, helista fursad iyo waqti isku mid ah, oo ay waajibaadkooda ku gutaan, sida sanad, bil, todobaad, iyo 1440 miridh habeen iyo maalin kasta.

Hasayeeshee, waxay ku kala duwan yihiin aqoonta eebe siiyo, abaarta ay higsanayaan, aragtiyaha ay aaminsan yihiin, ujeedooyinka ay xaqiijiyaan, ee la xun ama ayaan wacan wixii ay ummadahooda uga tagaan, iyo astaamaha ay caanka ku noqdaan ee iin iyo amaanba leh.

Ugu dambayn, haddaba akhriste ogow, guusha ruux kastaa waxay ka bilaabantaa goobta uu taagan yahay, garashada yoolkiisa, gudashada xilkiisa, sixida gefkiisa, gadhqaadka hayaankiisa guul-galka u ah, geediga nolosha gaaban.”Sidaa ayuu Maxamuud Xaashi ku faafiyey barta uu ku leeyahay baraha bulshadu ku wada xidhiidho ee facebuugiisa.

Hadalka qoraalkiisan ayaa dabada socday markii dhawaan siyaasi ka tirsan xisbiga Waddani oo isku beelna ka soo jeedaan gaar ahaan Muuse Abokor Siyaasi Bogi uu hadal waano ah u diray Maxamuud Xaashi Cabdi, isla markaana Waraysi uu siiyey Siyaasi Bogi Idaacada Radio Baraarug Media ayaa ayuu kaga hadlay xaalka Maxamuud xaashi, taasoo keentay innuu Maxamuud xaashi qoraal yar oo dad-ban ku doodo


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here