Guddoomiyaha Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom Cabdikariin  Maxamed Iid Oo Noqday Xubinta Ugu Horaysay Ee Reer Somaliland Ee Ku Guulaystay Abaal-marinta Ugu khaalisan Qaarada Geeska Afrika

0
10

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Guddoomiyaha shirkadda casriga ah ee isgaadhsiinta Telesom Md. Cabdikariin Maxamed Iid ayaa ku guulaystay Abaalmarinta Caalamiga ah ee loo yaqaano  CXO of the Year 2018 ee qaarada Afrika munaasibad oo ka dhacday dalka Koonfur Afrika, isla markaana Waa markii ugu horreysay ee Guddoomiyaha shirkadda Telesom u tartamo Abaalmarintan Africacom, xafladdan waxaa kasoo qayb galay 14,000 oo qof, marti sharaftii ka hadashay madashuna waxay ahayd 450 qof.

Shirkadda Telesom ayaa lagu soo xushay saddexdan arrimood:
1. Telesom waa shirkaddii ugu horreysay dunida ee hirgelisa adeega sarrifka lacagta mobilka (Mobile currency exchange platform)
2. Telesom waa shirkaddii 5aad dunida ee hirgelisa adeega lacagta mobilka ee ZAAD.
3. Telesom waxay kor u qaaday dhaqaalaha Somaliland isla markaana bulshada usoo bandhigtay adeegyo casriga sida Cloud service iyo Vas (Value added service).

Xafiiska Wararka ee Baraarugnews.netss

MIAL:-Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here