Guddoomiyaha Ururka Kaah, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Kaah,iyo Guddoomiye ku-xigeenka2-aad ayaa hogaanka u haya Kaalinta 1-aad Ciyaaraha Addag Ee Siyaasadda Somaliland &Taageerayaal duufaano ah iyo awoodaha aadka u xooga badan Kaah Oo Jaho Iyo Furin Cusub Ku Furay Qalalaasaha Siyaasadda Somaliland

0
67
Guddoomiyaha iyo gudoomiye ku-xigeenka kaah Maxamuud xaashi iyo Cabdillaahi Dheere

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Guddoomiyaha Ururka Kaah Maxamuud Xaashi Cabdi, Guddoomiye ku-xigeenka kowaad Kaah Cabdillaahi Dheere iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad Faratoon ayaa hogaanka u haya kaalinta Taageerayaal duufaano ah iyo awoodaha dhoolatus aad u xoog-badan oo waji cusub ku keenay Siyaasadda Xisbiyadda iyo Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay Muuse Biixi Cabdi ee xisbiga Kulmiye.Isla markaana Ururka Kaah ayaa ku guulaysta hirgalinta qaab dhismeedkiisa iyo shuruudaha looga baahan yahay urur siyaasadeedyada cusub ee laga samaynayo dalka Somaliland, ayaa noqday Ururka Kaah mid dhamaystiray wajigii kowaad ee sharuudaha laga rabo marka laga aas-aasaayo urur-siyaasadeed Cusub.

Guddoomiyaha Kaah

shabakada caalamiga ah ee Baraarugnews.net iyo Radio Baraarug
Shir-weynihii Urur-Siyaasadeedka Kaah, ayaa maanta si rasmiya loogu doortay dhamaan dhismaha iyo Hoggaanka Ururkaasi oo kala ah Guddoomiye, Gudoomiye kuxigeenka kowaad, Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad iyo xoghaye ku-xigeen.
Shirweynahan Ururka Kaah oo socday muddo gaadhaysa laba cisho ah Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qeybgalay Ergooyinka ka kala socday dhamaan deegaanada iyo Gobolada kala duwan ee dalka Somaliland oodhan.
Waxaanay Ergooyinkii ka soo qeybgalay cod gacan taaga ku ansixiyeen magaca, Astaanta, Calanka, Dastuurka, iyo xeer_hoosaadka urur-Siyaasadeedka Kaah. Sidoo kale waxa cod gacantaaga lagu ansixiyey Golaha dhexe ee Ururka Kaah.
Waxaana Shirweynaha goobjoog ahaa masuuliyiin ka socday guddida diwaangelinta Ururada iyo Axsaabta Qaranka Somaliland. Waxa kale oo halkaasi ka hadlay qaar ka midda hoggaanka Urur-Siyaasadeedka Kaah oo u mahad celiyey ergooyinkii ka kala yimi Gobolada Somaliland ee doortay iyo taageerayaashii ka soo qeybgalay shirweynaha Kaah.
Gudoomiyaha Cusub ee maanta loo doortay Urur-Siyaasadeedka Kaah Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Cabdillaahi Dheere,isla markaana Guddoomiye Maxamuud Xaashi cabdi oo gebo-gebadii soo xadhay shirka oo halkaa ka hadlay ayaa bogaadiyey ergooyinka Ururka Kaah ee ka kala yimi Gobolada iyo degmooyinka kala duwan ee Somaliland iyo taageerayaasha Ururka Kaah ee u doortay Guddoomiyaha Ururka Kaah.

Gudoomiyeyaasha Kaah Maxamuud Xaashi Faratoon Cabdillaahi Dheere25″ class=”alignnone size-medium wp-image-49161″ />

Shirkii maanta Guddoomiyaha loogu doortay maxamuud xaashi cabdi

Xildhibaan Faratoon

Xildhibaan Faratoon
Ururka Kaah, ayaa noqonayaa ururkii igu horeeyay oo duufaan iyo mawjadihii ugu badnaa dhanka taageerayaal isugu jiray madax, siyaasiyiin,Xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland, iyo madax-dhaqmeed Miisaan Culus ku leh dalka oo ka soo kala jeeda Deegaanada iyo Gobolada kala duwan ee Somaliland, ka socda ayaa ka soo qayb-galay shirweynaha ururka Kaah, kaasoo ah Maxamuud Xaashi iyo Guudoomiye ku-xigeenka Ururka Kaah Cabdillaahi Dheere ugu miisaanka culus awoodaha siyaasadeed eek u ibo fureen ururka Kaah ee Somaliland.
Iimeelada Xafiiska Guud ee baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here