Guddoomiyaha Waddani Cirro Oo Ka Hadlay Isbaahaysiga Jeegaanta Labada Beelood ee Habarjeclo Iyo Habar-awal &Mar Dambena Aanu La Kulmay Kornayl Madaxweyne Muuse Biixi

0
603
Guddoomiyaha Waddani Cirro Oo Ka Hadlay Isbaahaysiga Jeegaanta Labada Beelood ee Habarjeclo Iyo Habar-awal &Mar Dambena Aanu La Kulmay Kornayl Madaxweyne Muuse Biixi
Guddoomiyaha Waddani Cirro Oo Ka Hadlay Isbaahaysiga Jeegaanta Labada Beelood ee Habarjeclo Iyo Habar-awal &Mar Dambena Aanu La Kulmay Kornayl Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo socdaal ku maraaya qaarada Yurub, ayaa sheegay innaanu mar dambe kaligii aanu la kulmay Kornayl Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi“Shirkii jaraa’id Madaxweyne Muuse Biixi qabtay hadalkiisa waxa ka muuqday kuma qasbani  xisbiyada Waddani iyo UCID wixii talo ay soo jeediyaan. Taas macnaheedu waxa weeye innaanu macno weyn siinayn waxaas oo  kulamo  ah ay la kulmaan Guddoomiyeyaasha xisbiyada Waddani iyo UCID Muuse Biixi. Macnihiisu waxa weeye (Muuse Biixi), Anigu sidaan u fahmay ii kaalaya aan isla-kiin Sawiro, taydana waan ku soconayaa. Anigu shakhsiyan waxaan u sheegayaa shacabka reer Somaliland, anigu laba jeer ayaan la kulmay Muuse Biixi Cabdi. Waxa iiga muuqatay Innay macno badan u samaynayn, markaa shakhsiyan, waxaan go’aan saday innaan mar saddexaad la kulmayn Madaxweynaha kaligay.”Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo ugu waramayey Wariye Cag-madhige Yurub  eeTelifeeshanka Univeersalwaraysi

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo su’aal laga waydiiyey waxa ka jira Jeegaanta labada Beelood ee Habar-awal iyo Habarjeclo . Waxaanu ku jawaabay Guddoomiye Cirro sidan:-“Anigu Ma arko, Laakiin waxa lagu ololeeyay barigii dhawayd waxay aheyd qabyaalad qaawan, taasaana dadka dhibaysa. Lana yidhaahdo hebel ha raacin, waana cufi, lagayaabaana inay raad ku reebto dadka, waxaana dadku rumaysan yahay in aad u korodhay qabyaaladu oo xukuumaddihii Kulmiye jireen.

Office Hargeysa Baraarugnews.net Emial:-Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here