“Guddoomiye xisbiyada qaranka ama Odayaal iyo salaadiin iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Somaliland, Way la kulmi karaan Madaxweynaha Somalia Farmaajo. Faysal Cali…”,

0
397

Hargeysa, (Baraarugnews.net)- Wasiirkii hore ee maaliyada ee xukuumaddii Madaxweyne Daahir Riyaale Cawil Ducaale, ayaa ka hadlay kulankii dhex-maray Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Madaxweynaha Somalia Farmaajo, isla markaana Cawil Ducaale ayaa ka digay inay arintani noqoto mid daba furan ah oo sameeyaan siyaasiyiinta madaxda SOmaliland “Faysal Cali Waraabe, waa Guddoomiye xisbi mucaarid ah. Awood ayuu u leeyahay cidda uu doono innuu la kulmo iyo Madaxweynaha Somalia Farmaajo. Wixii ay ku wada hadleena wuu innooga warami doonaa. Markaa shir loo qabtay dawladda Soomaaliya ma quseeyo Somaliland, Faysalna kuwaas ayuu ka mid yahay.”ayuu yidhi Cawil oo la hadlay Tv-ga Horncable.

Cawil Ducaale wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi,“Guddoomiye xisbi ama Odayaal iyo salaadiin way la kulmi karaan Madaxweynaha Somalia, markaa wax quseeya dawladda Somaliland Maaha. Waa inay iska ilaaliso inay ku fekeraan siyaasi madax ah  ama xisbi mucaarid ah oo reer Somaliland inay sameeyaan sidaa Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabeh”.

Baraarugnews.net Iimeel:- Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here