Guddoomiyihii Maxkamada Sare ee Somaliland Oo Iska Dhiibay Dalka Ingiriiska &Sababaha Keenay

0
130
Guddoomiyihii Maxkamada Sare ee Somaliland Oo Iska Dhiibay Dalka Ingiriiska &Sababaha Keenay
Guddoomiyihii Maxkamada Sare ee Somaliland Oo Iska Dhiibay Dalka Ingiriiska &Sababaha Keenay

London,(Baraarugnews.net)-Gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali oo safar ugu baxay mudooyinkan dambena booqasho ku joogay Dalka Ingiriiska ayaa la sheegay innuu iska dhiibay dalka Ingiriiska, isla markaana waxa la sheegay innuu ku sugan yahay wakhti xaadirkan magaalada London, halkaana uu ka dal baday qaxooti oo is dhiibay.

Xogo lagu kalsoon yahay oo u dhuun daloola, kana ag-dhaw Qaar ka mid ah Jaaliyada dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Somailand,ayaa sheegay in Guddoomiyihii maxkamada sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali oo markii hore arrimo shaqo u tegay, isaga iyo wasiirka Wasaaradda cadaalada Somaliland cariga dalka Ingiriiska uu ka hadhay xubno ay ka mid ahaayeen Wasiirka Cadaalada, haddana ku sugan gudaha magaalada Hargeysa, Balse Guddoomiye Aadan Xaaji Cali uu kaga hadhay dalka Ingiriiska, isagoo la sheegay innuu is dhiibay. Warku wuxuu intaa ku darayaa in Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali uu isku dhiibay arrimo caafimaad, isla markaana Guddoomiyaha maxkamada ayaa lala xidhiidhiyey in arrimaha uu dalbaday aaney waxba ka jirin ee uu doonayo aqaabkii uu u helilahaa baasaboor, isagoo la sheegay inuu bixiyey arrimo la xidhiidha oo ku saabsan in wakhti xaadirkan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi yahay kaliye taliye oo ka leexatay waddadii dimuqoraadiyada Somaliland, halisna ay ku jirto dimuqoraadiyadii iyo garsoorkii madaxa bannaanaa ee Somaliland.

Sidoo kale, xogahaa ayaa cadeeyay in Guddoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali uu ku sugan yahay Boroham, isla markaana xogahaa ayaa xaqiijiyey innuu xilka iska casilayo Guddoomiyaha maxkamada Sare ee Somaliland, kuwaasoo tilmaamay in casilaadiisu la xidhiidho is dhiibida uu iska dhiibay dalka Ingiriiska oo uu ka dalbaday arrimo caafimaad.

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here