Hargeysa, (Baraarugnews.NET)-“Hadaad qolaqolo Ku faantu
hadaad qaranimada diido
qabyaalada aad u ciirto
hadaad uqastido xumaanta
hadaad kaligaa is qorato
ragbaa jira kaa qabwayne
arlada qunyar maad talaabsan ?
qalbiga xumahaad Ku hayso
inaad qarsataa wacnayde
dushaada haduu ka qiiqo
ninaba waxka qaadi maysid
qawlkaad odhanayso toosi
qalbiga kanadiifi xaasid
dadkii dhintay ee qubuuro
ladhigay qarniyaal horeeto
hadaad Ku qadhaabanayso
hadaad soo qodayso aano
hadaad nabarada qarsoomay
isleedahay dibu qorshayso
qofbaadtahay garasho liita
qoriga nabadaa ka fiican
qabsiga garashaa ka fiican
qaladka sixistaa kafiican
qalooca toosbaa kafiican
qalbiga samahaa u fiican
qasaare dantaa kafiican
qabiil qaranbaa ka fiican
danbiga qirashaa u fiican
qabriga camal baa u fiican
intaan lagaa qaban aduunka
qawlkii rabi kuu abuuray
inaad qirto baa u fiican
qumaati wixii wanaagsan
dhankaaga qabaa u fiican
haquusan adoo garaadleh
adoo qaban Kara hadaynin
wixii qalad aad arkayso
hasii qodinoo ha faafin
bulshooy diintiyo quraanka
qawlkii rabigeen ha tuurin
bulshooy qaynuunka toosan
waxgaalo qorteen ha dhaafsan
quraafaad haw dhegtaagin
naftana usamaysta qoolal
Ku qabo xadhig aan go.aynin
madaxda qarankee ladoortay
dadkana xilka guud uqaaday
nasteexo yar an u qaydo
haqaadan waxaanad muujin
haqorin hadal ruux dhibaya
hatida qarankara haboobin
illeen qalad waa dhacaaye
haquusin adigoo badhedha
waxqabad baa laga rabaaye
isqanci cidi kuuma dooran
isqabadta baa laydin yidhiye
isqala cidikuuma dooran
qoloba qolo yay Ku jeesan
intaad is qaniinsantiinbaa
cadawgu idin qoor jaraaye
gamcaa is qabsda dhamaan
quruu dunidan joogay
dhaam qalad way galeene
kuwii kusocdaa qasaaray
dhulkaa qabawgiyo ugbaadka
nimcadu qarka joogto maandhe
buuruu qubayaan macdanaha
qadhaabka iyo midhaha fiican.”
Waxa tiriyey Maansadan Abwaan OSMN MAHAMOUD SUUNIYE]