“Haddii ay tageen meel lagu yidhi ka jooga Xildhibaan Waabeeye iyo Duur, waa lagu qasban yahay in talaabo ka qadaan  Xisbiga Waddani Oo…”

0
2281

Hargeysa,(Baraarugnews.com)-Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa sheegay inay birta dhaafinayaan xubno ka mid ahaa madaxda sar-sare ee xisbiga Waddani, kuwaasoo kala ah Maxamed Nuur Caraale Duur iyo xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye, isla markaana Guddoomiyaha iyo hogaanka sare ee xisbiga Waddani, ayaa hore u shaaciyey inay ka qayb galayn maalinta xuska u soo raray Madaxweyne kornayl Muuse Biixi oo shalay laga xusay dalka Somaliland oo bisha May aheyd 15 May, halka hore loo xusijiray 18 May oo ku beegnayd xilligii lagu dhawaaqay Gooni isu-taaga Somaliland ee magaalada Burco 1991-kii.

Xisbiga Waddani, ayaa sheegay inay jabiyeen oo ka horyimaadeen labada xubnood shuruucda xisbiga u yaala, balse talaabo anshax marin ah ka qaadidoonaan Guddidda Anshax marinta xisbiga Waddani. “Labada Oday Waxay Ka Hor Yimaadeen Xisbiga Waddani. Odayaal Xisbiga Waddani Ayey ahaayeen Xildhibaan Waabeeye iyo Duur, waa lagu qasban yahay in talaabo ka qadaan Guddida anshaxa xisbiga Waddani. Haddii ay tageen meel lagu yidhi ka jooga oo ha ka qayb galina xuskii shalay 15 May, ma haboona. Xisbigu wuxuu leeyahay Guddi anshax oo go’aamo weyn ayay ku leeyihiin xisbiga dhexdiisa, markaa khalad ayay aheyd inay Xildhibaan Waabeeye iyo Duur ka qayb galaan xuska 15-Ka May ee Muuse Biixi, talaabo ayuu ka qaadayaa xisbiga labada xubnood eek ala ah xildhibaan Waabeeye iyo Duur.”Sidaa ayuu yidhi Cabdillaahi Axmed Maxamed oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga Waddani oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa

 

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here