“Haddii Muuse Biixi-yow Aad Wax Ka Qaban Waydo Maayarka Berbera Cidin, Gansatada Iyo Beeshaada Habar-awal Ee Deegaamaynta Iyo Dhul Boobka Cusub Ka Bilawday Bariga Gobolka Saaxil, waxay gaadhi doontaa meel aanad hadhow waxba ka qaban Karin, Lana Mahdin Doonin”

0
1204

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Suldaan Nuur Suldaan Caydiid, ayaa ku eeddeeyay Madaxweyne Muuse BiixiCabdi innuu dawladd-nimadii shacabka reer Somaliland wada lahaayeen innuu dhamaan ku tisay xilalkii waa weynaa oo dhan beeshiisa Habar-awal Madaxweyne Muuse Biixi, gaar ahaan Sacad Muuse. Balse Suldaan Nuur Suldaan Caydiid, ayaaka digay dhul boob beesha Madaxweyne Muuse Biixi ee Habar-awal ka wadaan deegaanka dhinaca  bariga Gobolka Saaxil.“Waxaan halkan uga soo jeedinayaa Madaxweyne muuse Biixi Cabdi xaalada laga wado deegaanka bariga Gobolka Saaxil, markaa Madaxweyne waxaad mooda baryahan danbe inay cadaatay inaad beeshaada uga faa.iidaysay awooda dowladnimo oo ay muuqato beeshaada Habar-awal gaar ahaan beesha Sacad Muuse oo dagaal ku wado beesha Habar-jeclo, taasoo aad moodo xukuumaddaadu inay u tafaxaydatay dagaal ay ku dhacayso khayraadka dhulka beesha Habarjeclo.

Madaxweyne Muuse waxaan leeyahay Beeshaada sadbursi xaga dowladaada iyo xilalka dhaqaalaha  ah aad ku wada tistay beeshaada oo kaliya shacabkii reer Somaliland way quus qaateen cadaalad-xumadaada iyo qabyaalada qaawan ee aad qarsanayn.
2 deegaan iyo dhul riix cusub ee deegamaynta  ama dhul boobka adiga iyo beeshaada Habar-awal ka bilaabteen deegaanka bariga Gobolka Saaxil ee beesha Habarjeclo ay leedahay iyadu waa mid iyaduna soo korodhay oo ku cusub shacabka reer Somaliland.
3 Ganacsade ka soo jeeda beesha habar-jeclo oo dagaal qaawan aad ku wadid adiga iyo xukuumadda raga ku jira iyo ganacsato beeshaada kasoo jeeda Habar-awa; adigana gàrabka ka helaaya ama aad siinayso, haddii ay faraha kala bixiwayaan ganacsadaha u dhashay dalka Somaliland eel eh shirkadda ka ganacsata xabagta beenyada Barkhad oo aad ka qaban waydo ganacsatada iyo raga maamulka ee  beeshaada  Habar-awal ah wixii ka dhaca idinka ayaa dusha kuq aadanaaya oo ka masuul ah MUUSE Biixi-yow.

Dagaalkaas Oo uu lambar wan ka yahay Maayarka magaalada Berbera Cidin iyo xidhibaanada beesha Ciise Muuse haddii ay faraha kala bixiwayaan deegaanada bariga Gobolka Saaxil waxa ka raaxi doona wax ay mahdin dooni, haddii aad Muuse Biixi-yow aad wax ka qaban waydi faragalinta qaawan ee dhulboobka ah ee beeshaadu ku hawlan tahay Inaad doonaysaan dhul aad xoog iyo khiyaamo aad beeshaada ku siiso, mana dhicidoonto u-jeeddada u socotaan.
madaxweyne waxaad ogaataa habarjeclo way Soo jeeda ee ma hurudo,
Hadii aad waxba ka qoban weydo maanta oo aanad talaabo ka qaadi weydo indeerkaa maayor cidin dagaalka qaawan EE uu wado maayar cidin waxay gaadhi doontaan meel aanad hadhow waxba ka qaban Karin ayey gaadhi doontaa ee ku biyo cab Muuse Biixi-yow.
Waxa kale oo jira rag xidh xidhan oo oo sharcidaro kula kacday iyo xadhi meel ka dhac ah Boqor Cismaan Buur-madow, waxaanu u arragnaa inaad bilabaysaan dagaal cusub oo aad dano ka leedihiin adiga iyo ganacsatadaada beesha Habar-awal.”Sidaa ayuu yidhi Suldaan Nuur Suldaan Caydiid oo ka soo jeeda Madax-dhaqmeedka Beelaha Habarjeclo.

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here