“Haddii Ninka Soomaaliga Ah Gabadhiisu Xanuunsanayso Ama Ay Bugto Ciyaalka Qaarna Hayso Qadada Iyo Shaaha Ma Karsan-karo.Waa Maskixiyan. Waxay u.…

0
237
“Gogal tahay, haddii ay cunto huteel iyo shaah tahay, hadday nadaafad tahay ragga soomaalidu kama shaqayn karaan. Waxay u haystaan xaqiraad iyo yasid.
“Gogal tahay, haddii ay cunto huteel iyo shaah tahay, hadday nadaafad tahay ragga soomaalidu kama shaqayn karaan. Waxay u haystaan xaqiraad iyo yasid.

“Gogal tahay, haddii ay cunto huteel iyo shaah tahay, hadday nadaafad tahay ragga soomaalidu kama shaqayn karaan. Waxay u haystaan xaqiraad iyo yasid.”muuse biixi

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in ragga soomaalida ah ay neceb yihiin inay ka shaqeeyaan shaaha iyo cuntooyinka huteelada, isla markaana Muuse Biixi ayaa wali hadalo aan jaho haysan oo isugu jira catow iyo shaqadii masuuliyada aheyd ee saran isaga ama waajibaadka shaqo ee shacabka reer Somaliland u igmadeen isaga ku canaantay shacabka siday iyaga masuuliyad laga sugaayey tahay.

“Waynu neceb nahay in aynu ka shaqayno huteelada iyo soo dhaweynta .haddii ay gogal tahay, haddii ay cunto tahay iyo hadday nadaafad tahay soomaalidu uma carbisna.waayo dhaqankeena ayaa ka soo horjeeda. Waliba wixii rag ah intaa ilahay wuu ku saliday, kama shaqayn karaan. Waxay u haystaan xaqiraad. Waayo, haddii ninka soomaaliyeed gabadhiisu xanuunsanayso ama ay bugto ciyaalka qaarna hayso qadada iyo shaaha ma karsan karo. Waa maskixiyan Markaa umadda soomaaliyeed in ay huteel ka shaqayso way ku adag tahay, u fiirsada oo eega huteelada. Sida marka aad eegtaan huteelada caalamka oo kale. Waa

maskixiyan,”Sidaa ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyey munaasibad Berbera port Zone.

Muuse Biixi wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaynu u baahan nahay Somaliland khilaafka dhex-deedu yar yahay oo meel u wada jeeda.dhexdeedana ka tartanta, haddana danta guud ka wada shaqaysa. Taasna waxaynu ku helaynaa xisbiyadeenu  khilaafadka jira ay ka heshiiyaan. Waxaan u arkaa in doorasho degdeg ah in aynu qabano waa muhiim. Doorashada waxay dib ugu dhacaysaa waa khilaafka xisbiyada. Nacasnimada ugu badani waxay fuulaysaa saddexda xisbi eek u heshiin waayey in ay doorasho qabsadaan ee khilaafkoodu sanado jiitamayo. Doorashada dib u dhacaysaa khilaaf ayey dhexdeena ku abuuraysaa iyo nacayb dhexdeena ah oo sii koraaya.”

email.Baraashug00@gmail.com

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here