“Haddii Qof Beesha Isaaq ah Qof Beelaha Gabooyaha ama Midgaan ah uu Dilo Looma Dili-karo Qofka Dhalasho Ahaan Ka Soo Jeeda Isaaq. “Akhriso

0
192
“Haddii Qof Beesha Isaaq ah Qof Beelaha Gabooyaha ama Midgaan ah uu Dilo Looma Dili-karo Qofka Dhalasho Ahaan Ka Soo Jeeda Isaaq. “

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Bandhig lagu qabtay magaalada Hargeys oo lagaga hadlayey Hayb-sooca ayaa isu-badelay murugo.

Abwaan Yuusuf Shaacir ayaa bandhigga noo furfuray oo maanso kooban madasha ka tiriyay iyo xilgii barnaamijka hayb-sooc uu bilaabay.

Afhayeenka xisbiga Waddani  Barkhad Jaamac Batuun oo ka soo jeeda beelaha la hayb-sooco ayaa ka sheekeeyay arrin qiso iyomurugo, isagoo dadkii ka soo qayb-galay la wadaagay dhacdo la yaab leh oo soo martay, waxaanuu yidhi .” Anigoo jaamacada Hargeysa dhigta kuliyadda shareecada ayaa macallin cashar noo dhigayay, tusaale u soo qaatay haddii qof Addoon ahi qof kale dilo looma dili karo. Ardaydii baa tusaalihii aad u fahmi weyday dabadeedna waxa uu tusaale ku bixiyay, haddii qof beesha Isaaq ah qof beelaha gabooyaha ama Midgaan ah uu dilo looma dili karo qofka dhalasho ahaan ka soo jeeda Isaaq. Fasalkan kaliday baa dhigta wax beeshaa ka socda, waxa igu dhalatay ma baxsataa mise daaqadaad ka baxdaa oo xaalad naxdin leh iyo murugo leh bay igu noqotay.”Sidaa ayuu yidhi afhayeenka xisbiga waddani Barkhad Jaamac Batuun. buu yidhi

Mahdi Cismaan Buuri, oo isna ka hadlay madasha ayaa yidhi. ” Wiil ayaa Barkhad Batuun ku yidhi waar halkeed maalmahan xaggeed ka dhacday ?

Masuuliyiin iyo abwaanii iyo dad badan oo kala duwan oo ka soo qayb galay munaasibada lagaga hadlayey dhibaatada ay leedahay hayb-sooca ee lagu qabtay magaalada Hargeysa, ayaa ku dhamaatey xaalad murugo iyo jawi naxdin badan oo ku soo bandhigeen beelaha la hayb sooco ee ka mid ah beelaha soomaalida.

Emial Office Hargeysa>-Caarshe7@hotmail.com or baraarugnews@gmail.com

 

 


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here