“Hal Litir Oo Shiidaal Ah Igaga Biximayso ama Ku Biximayo Dagaalka Beelaha Qayaad Iyo Bahararsame (Beesha Dhulbahante),Danigooda Ayey Isu-dileen, Iyaga Ayey u Talaa, Maxaa Iga Galay…”

0
806
“Hal Litir Oo Shiidaal Ah Ku Biximayo Ama Igagama Baxayso Dagaalka Beelaha Qayaad Iyo Bahararsame (Beesha Dhulbahante),Danigooda Ayey Isu-dileen, Iyaga Ayey u Talaa, Maxaa Iga Galay…”
“Hal Litir Oo Shiidaal Ah Ku Biximayo Ama Igagama Baxayso Dagaalka Beelaha Qayaad Iyo Bahararsame (Beesha Dhulbahante),Danigooda Ayey Isu-dileen, Iyaga Ayey u Talaa, Maxaa Iga Galay…”

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa  diiday innuu bixiyo kharashkii ku baxayey  wefti la doonayey inay baxaan dedaalada loogu jiro daminta colaada labada beelood  Bahararsame iyo Qayaad ee walaalaha ah ee ka mid ah beelaha Dhulbahante ee ku dagaalamay deegaanka Gobolka Sool  magaalo madaxda gobolkaa ka xigta dhinaca bari kaga beegan  ee Dhumay, isla markaana weftiga doonayey inay ka qayb qataan dedaalada loogu jiro sidii loo joojin lahaa dagaalka labada beelood ee walaaha ah dhiigooda qumanaaya ayaa doonaayey inay ka ambabaxaan magaalada Hargeysa, kuwaasoo la doonayey innuu hogaaminayo Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo xubno kale oo Wasiiradda beesha dhulbahante  ee ku jira xukuumadda Muuse Biixi Cabdi iyo mudanayaal ka tirsan wakiilada SOmaliland ayaa u ambabaxay Gobolka Sool.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyoWasiirka Biyaha Somaliland Cali Koore, Wasiirka Waxbarashada Faratoon iyo xubno  mudanayaal ka soo jeeda beelaha dhulbahante ee Gobolka Sool, ayaa kulan barqadii maanta kula yeeshay Xafiiskiisa aqalka Madaxtooyada Hargeysa Kornayl Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Balsea markaana waxa la sheegay inay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo madax ka tirsan dawladdiisa u soo diray beelaha wallaalaha ah eek u dagaalamay Gobolka Sool iyo faragalinta ay ku hayso dhinacyada ku dagaalay deegaanka Dhumay eelabada beelood ee Qayaad iyo Bahararsame.

Xogo lagu kalsoon yahay kana ag-dhawaa goobta kulanku ka dhacay ee xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiir Maxamed Kaahin AXMED, Wasiiradda beesha dhulbahante oo kala ahaa Wasiirka Wasaarada biyaha Cali Koore iyo Wasiir Faratoon oo qayb ka ahaa kulankaa lagaga hadlayey colaada labada beelood ee Bahararsame iyo Qayaad oo ka mid ah beelaha dhulbahante ee Gobolka Sool, ayaa la sheegay in markii go’aan lagu gaadhay in wefti uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, xildhibaanada Golayaasha Wakiilada, Guurtida Somaliland iyo  iyo Wasiiradda beesha ee dhulbahante iyo Warsangali  ee xukuumadda ku jira Muuse Biixi ee Beesha dhulbahanta u baxaan, kana mid noqdaan ergada dedaalka ugu jirta nabadaynta labada beelood ee isku dilay Gobolka Sool ayaa Muuse Biixi diiday innuu ku bixiyo wax kharash iyo shidaalkii lagu ergooyinka ka shaqaynaaya nabada iyo dajinta labada beelood eek u dagaalamay gobolka Sool, isla markaana xogahaa ayaa xusay in markii ay sidaa ku go’aansadeen soo jeediyeen Wasiiradda Beesha dhulbahante Cali Koore iyo Faratoon in loo baahan yahay lacag kharash ah iyo madaama ay yihiin xubnihii Wasiiradda beesha dhulbahante ku jiray xukuumadda lagama maarmaan tahay in faramannaan ku tagin ee lacag ku baxda kharash laga dhigto dadka ka shaqaynaaya nabadaynta beelaha isticmaalaan loo baahan yahay inay ka qayb qaatan.

Xogahaa ayaa tilmaamay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku gacansaydhay dalabkaa Wasiiradda Beesha dhulbahante, isagoo Muuse Biixi ugu jawaabay hadal meel ka dhac iyo mid af madaxweyne aan aheyn, isla markaana Muuse Biixi ayaa kulankaa madaxtooyada ay ku wada lahaayeen masuuliyiinta beesha dhulbahante iyo qaar ka mid ah xildhibaanada wakiilada ugu jira beesha dhulbahante ku yidhi hadal u dhacaayey ku jiqjiiqsi oo kale. “Hal litir oo shiidaal ah igaga biximayso ama ku biximayo  dagaalka Qayaad iyo Bahararsame. Maxaa iga galay beelaha is dilay ee Qayaad iyo Bahararsame  (Dhulbahante), iyaga ayey u talaa, danigooda ayey isu-dileen maxaa iga galay,”erayadaa iyo khaar kale oo isugu jira cadho iyo ku jiqjiiqsi oo kale ayuu Madaxweyne muuse Biixi ka sheegay kulankaa maanta isugu yimaadeen Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin AXMED IYO Wasiiradda beesha dhulbahante iyo qaar ka mid ah xildhibaanada beeshaas ee ka tirsan mudanayaasha aqalka Golaha wakiilada Somaliland oo ka dhacay qasriga Madaxtooyada Somaliland Ee magaalada Hargeysa.

Hase yeeshee, xogahaa ayaa sheegay in wefti uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin AXMED, Wasiiradda beesha dhulbahante iyo xildhibaanada beeshaa ee Gobolka Sool SOcdaal ugu baxayaan deegaanada colaadu ka taagan tahay ee isku laayeen labada beelood Qayaad iyo Bahararsama ee Gobolka Sool.

Office Hargeysa Baraarugnews.net Emial:-Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here