Hargeysa,( Baraarugnews.net)-“Dhamaan bulshada Soomaalida iyo caalamkuba, sidaynu la soconay jamhuuriyada Somaliland waxay heshiis caalamiya la gashay dalka imaraadka carabta.
heshiisyadaasi waxa la mariyay oo si buuxda u ansixiyay Golayaasha sharci-dajinta qaranka Somaliland.
Hadaba su’aalaha la iswaydinayaa waxay tahay, maxaa sababay heshiis ay ansixiyeen Golayaasha sharci-dajinta qaranka Somaliland in si-fudud loo burburiyo, iyadoo arintani ay tahay heshiis caalamiya.
Waxaynu ogsoonahay Madaxweyne Muuse Biixi inuu tagay dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti, halkasoo si diiran loogu soo dhaweeyay, inkastoo meqaamka lagu soo dhaweeyay uu u ekaa oday muddo dalkiisa jabuuti ka maqnaa.
Dulucda qoraalkaygan wuxuu yahay waxaynu ogsoonayn Dalka Imaraadka Carabta iyo Dalka Jabuuti inuu xidhiidhkoodii xumaaday.Sababaha keenayna uu ahaa markay ogaatay dawladda Jabuuti inuu Imaraadka carabtu maal-galin ku samaynayo dekeda Jamhuuriyada Somaliland ee Berbera. Jabuuti waxay si wayn uga cadhootay maal galintaas Somaliland, waxayna qaaday talabooyin, waa weyn oo ay doonaysay inay ku burburso heshiisyada ay wada galeen Jamhuuriyada Somaliland iyo Imaraadka Carabta.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi intii uu talada dalka la wareegay wuxuu qaaday talabooyin uu ku baabi’inayay heshiisyadii ay gashay xukuumadii isaga ka horeysay ee uu Hogaaminayay Axmed Silaanyo. Madaxweyne Muuse Biixi waxa si wayn u bogaadiyay dawlada Soomaaliya, tasoo sheegtay inuu qaaday Madaxweyne Muuse talaabooyin lagu bad baadinyay dalka Somalia, oo ay ula jedaan kanoqoshada uu ka noqday heshiiskii ay wada galeen Jamhuuriyada Somaliland iyo Imaraatka Carabta ee ku aadana saldhiga meleteri ee Imaraatka laga siyaayay Gobolka Saaxil casimadiisa Berbera.
Heshiis golayaal qaran ay ansixiyeen in si fudud looga baxaa waxay laf-jab ku tahay qaranimada jamhuuriyada Somaliland. Madaxweyne Muuse labadii socdaal ee ugu danbeeyay qarankan wuxuu usoo qaaday guul darooyin dalkan iyo dadkan qaran jab ku ah, kuwasoo kala ah la kulankii uu la kulmay wasiirka arimada dibada Somalia, wasiirkasoo ahaa kii dalka GINI xidhiidhka u jaray markuu arkay meqaanka ay siyeen Dalkaasi Jamhuuriyada Somaliland iyo Dalka Jabuuti oo Madaxweyne Muuse ay ka saxiixeen qodobo aan la garanayn.
Guntii iyo gunaanadka ka madaxweyne mustaqbal ahaan waxaan madaxweyne muuse ku boorinayaa oo aan leeyahay dalkan hadaad usoo halgantay ilaahayna kugu simay talada dalka sharaftiisa iyo karaamadiisa dhawr, heshiisyadii ay gashay xukuumadii ka horeysayna xaqdhawr.
horeysayna xaqdhawr.
Eimal Baraarugnews@gmail.com Caarshe7@hotmail.com