Hinda Jaamac Doolaal Oo Gabay Ku Karbaashtay Muuse Biixi”Nuur fadal siduu fulay, Anna seegi maayee, Awal iyo subeerkiyo,Reer samatar kooduba..”

0
154
Nuur fadal siduu fulay, Anna seegi maayee, Awal iyo subeerkiyo,Reer samatar kooduba
Nuur fadal siduu fulay, Anna seegi maayee, Awal iyo subeerkiyo,Reer samatar kooduba
Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Hinda Jaamac maxamuud Doolaal, ayaa gabay ku karbaashtay Muuse Biixi iyo maamulka maanta ka taliya Somaliland.
Gabayga ay tirisay Hinda Jaamac Doolaal ayaa u dhignaa sidan:-“Kala saar laf iyo jiidh
Waxan saaka eegaa
Sacad muuse weeyee
Garta siinka joogtana
Suldaankooda gaadhsii
Awal iyo subeerkiyo
Reer samatar kooduba
Ha faqaane saa yeel
Gabaybaan sasabayaa
Rajadaan sug leeyahay
Suugaantu taariikh
Mahadhay samaysaa
Suusbay abuurtaa
Sooyaalka kuu gala
Sinjigaad haddeer tahay
Sallaamada isaaqbuu
Sumcad weyn ku leeyahay
Sab intaanad noqon baas
Aydin guran samaayaha
Soodaaya doolaal
Saddex dhaar ilaahay
Sebennada danbeeyaa
Soomaali maah maah
Ka samaysam doontaa
Sirta aan ded leeyahay
Tolku waa sokeeyee
Nuur fadal siduu fulay
Anna seegi maayee
Dib haddaan wax loo sixin
Haygu maagin saan falo
Haddii aan sun kaa dhigo
Kaa saaro iidoor
Safka inan gumeedkiyo
Saldhiggii xumaantiyo
Bidde sooca kaa dhigo
Ma anaa wax saarka leh
Waxaan dhawrayaa siidh
Soddon sano bislaadee
Sow maan abuureen
Wax sagaashankii dhacay
Soomaali-laanbaan
Usidaa sibraarkee
Inaan siinka maaliyo
Soodeynta doolaal
Inaad ii saxeexdaan
Labadaa sed weeyee
Doolaal sax weeyoo
Reerbaa suryeeyee
Qaran uma siyaysnee
Waxan dhawrayaa sahan
Bal waxaad sifaysaan.
Abwaanad hinda jaamac doolaal

Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here