Hogaamiyaha kooriyada waqooyi oo buur dheer faras

0
25
Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa la arkay isaga oo saaran Faras isla markaasna fuulayo buurta ugu dheer dalkaas, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.
Sawirro dhowr ah oo ay baahisay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa muujinaya isaga oo saaran Faras cad xilli uu korayay buurta uu barafka qariyay ee Paektu.
Ma aha markii ugu horreysay oo la arko Kim Jong-un oo fuulayo buurtaas dheereerkeedu uu gaarayo 2,750 Miitar balse dadka falanqeeyo siyaasadda gobolka waxay sheegayaan in tallaabadan ay astaan u tahay waxyaabaha la filayo inuuqaddariyaa Kuuriyada Waqooyi, waxaana la sheegaa inay tahay goobtii uu ka dhashay aabihii dhalay Kim Jong-un.

Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here