Hoggaan la’aanta ama hoggaan xumaantu waa lafdhabarta mushkiladdeenna dawlad la’aaneed ama….

0
25
Hoggaan la’aanta ama hoggaan xumaantu waa lafdhabarta mushkiladdeenna dawlad la’aaneed ama….
Hoggaan la’aanta ama hoggaan xumaantu waa lafdhabarta mushkiladdeenna dawlad la’aaneed ama….

Hargeysa,(Baraarugnews.net)- Siyaasigu marka uu ku guuldarraysto kaalintiisa jihaynta iyo aragti abuurka bulshadiisa ayaa waxa uu fashilkiisa la hoos galaa bulshada lafteeda, waxa aanu ku tilmaamaa arrimaha waaweyn ee go’aansiga siyaasiga ah dalbanaya “waa go’aan shacbi”. Bulshada ayaa markan gaadhaysa go’aankii hoggaamiyeyaasha siyaasadda, halka siyaasiyiintuna bulshada ku raacayaan ee daba kuutinayaan.

Hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee dhabta ah, garashada iyo kartida hoggaamineedna lehi ma oggolaadaan in rabitaanka bulshada oo keli ah ay iska daba gurguurtaan.

Hoggaamiyaha dhabta ahi waa ka akhriyi kara dareenka iyo doonista shacbigiisa. Iskama daba jiitamo rabitaabkaas bulshadiisa ee waxa uu bulshadiisaa ka horreeyaa tahan iyo in badan. Meel fog oo aanay bulshada waxba ka arki karin baa danta bulshadiisu uga hirtaa oo uga muuqataa. Waxa uu abuuraa aragti uu dhacsiiyo bulshadiisa, kuna jiheeyo, taas oo bulshada inteeda badani ka dhex arki karto danaheeda madhaafaanka ah.

Bulshadu, aragti abuurkaas oo leh qorshe iyo tabo lagu beegsado, waa ta u soo hilowda ee u riyaaqda. Iyada oo aan is ogayn waa ta danahaas iyo qorsheyaashaas difaacda ee isu soo taagta. Bulshadu dabadeed waxa ay taas ka soo dhalaalkeeda ku daba gashaa hoggaamiyaheeda, isaguna (hoggaamiyuhuna) sidaas ayuu keenada ugu qabtaa oo uga shaqeeyaa hawadinta hawlahaas bulsheed iyo qabyo-tirkooda oo ah arrin gudinta loo hay ah oo maalin kasta gufeynteeda joogteysan tahay.

Dhinaca kale, bulshada bisili ma oggolaato haddii ay ugu muuqato in siyaasiyiinteedu ay hoggaamintii la ambanayaan, in kasta oo ay marka hore ba bulshada bisili soo saarto hoggaan siyaasadeed oo shirraban, haddana haddii ay dhacdo in hoggaanku surmaseegto iyo xagal-dhaac yeesho bulshadu waa ta ku baraarugta, kana hortagta fashil yimaadda.

Hoggaan la’aanta ama hoggaan xumaantu waa lafdhabarta mushkiladdeenna dawlad la’aaneed ama dawlad xumaaneed. Sooyaalkeenna dawladnimada casriga ah ayay taasi ilaa bilowgeedii iyo ilaa eeggan ka dhex muuqataa.

26 Juun 1960 gobannimadii la gaadhey waxa loo aaneeyaa hoggaamin xumo. Nimankii siyaasiyiinta ahaa ee bulshada hormoodka u ahaa waxa ay raaceen neecawdii iyo dabayshii midnimo-doonka ahayd ee shacabku ku dhololo’ayeen. Wax talo ah oo masiiri ah iyo wax qorshe ah oo dawladnimo ah midna ma aanay samayn ee waxa ay 29 Juun 1960 diyaarad u raaceen Muqdisho, iyaga oo aan waxba ku wada socon. Keli ah, waxa ay raaceen shacbigii midnimada doonayey.

Bulshadu wax dembi ah taas kuma lahayn oo waa ay ku saxnayd, hase yeeshee hoggaamiyeyaasha siyaasadeed waxa laga doonayey laba mid uun oo kala ahaa: in ay bulshada ku qanciyaan wax midnimo degdeg ah u dhaama oo ay ku negeeyaan ama in ay abuuraan qorshe lagu galo midnimo waxtar u leh. Labadaas midna ma aanay samayn ee waxa ay galeen midnimo aan macne iyo waxtar midna yeelan oo markii si xun loo maamulay na waxyeello noqotay.

Markii ay talo faro-ka-haaddeyna, waxa ay siyaasiyiinta hoggaamineed fashilkoodaas ka hoos galeen dareenkii iyo rabitaankii shacbiga ee ahaa midnimo-doonka. Waxa ay yidhaahdeen, “waxa ay midnimadu ahayd go’aan shacbi”.

Su’aalaha darayga ah ee siyaasiga iyo masiiriga ah ee la is weydiin karo waxa ka mid ah kuwan hoose oo dadka qaar ay ka didi doonaan, qaar la yaabi doonaan, qaar na soo dhoweyn doonaan:

  1. Soomaaliya iyo Somaliland, mar kale, dib ma uga wada hadli karaan midnimo waxtar u leh labada dhinac? Waayo midnimo? Sidee iyo qaabkee ugu fudud oo looga wada hadli kanaa arrintaas? Yaa ka wada hadlaya? Xilliga ugu habboon; ma hadda iyo DFS ee Farmaajo, mise doorashada 2021 wixii ka dambeeya xukuumadda timaadda? Inta wada hadal ka horraysa maxaa loo baahan yahay oo la sii dhammaystiraa?
  2. Soomaaliya iyo Somaliland, haddii ay midnimo isku afgaran waayaan, ma ku heshiin karaan kala gurasho iyo kala tag buuxa oo ma noqon karaan laba dal oo walaalo ah oo is feedh yaal?
  3. Ma jiri karaan wax aan labadaas ahayn oo labada dhinac ku heshiin karaan oo ay wadaagi karaan, haddii labadaas laga sal-gaadhi kari waayo?

Doodo qaabkan leh oo loo badheedhaa waxa ay kicin doonaan dareenka siyaasiga, waxa aanay tusi karaan kaalintiisa hoggaamineed ee mararka hore uu ku soo fashilmay, haddana bannaan ee uu ka gaabinayo.

Halkan uguma jeedo in aynu su’aalahaas kaga warcelinno, wax se aan u jeedaa suurta gal ma tahay in su’aalahaas fagaare siyaasadeed lagaga doodaa Somaliland gudaheeda iyo dibeddeedaba. Dadka Somaliland ma curin karaan doodo dhexdooda oo arrimahaas waaweyn dooxi kara?

Waxa aan is leeyahay waa laga gudbey xilligii uu siyaasigu magaca bulshada ku xoqan lahaa ee uu fashilkiisa la hoos geli lahaa. Dad badan maanta siyaasiga kama oggolaan doonaan ‘waa go’aan shacbi’ ee waxa loo baahan yahay in siyaasigu uu qaato doorkiisa hoggaamineed iyo mas’uuliyaddiisa.

Maxamed Baashe X. Xasan

mohamedbashe@hotmail.com

Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here