HOLAND: Gabadh Reer Hargeysa Ah Oo Ka Mid Noqotay Golaha Deegaanka Ee Magaalada Emmen

0
112

Ugbaad Xasan Nuux Shabeel oo ka mid ah Jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool Dalka Holand, ayaa loo doortay inay ka mid noqoto mid ka mid ah Goleyaasha deegaanka ee Dalka Holand.

Ugbaad oo haysata dhalashada Dalka Holand isla-markaana muddo dheer ku noolayd waxna ku baratay, ayaa ka qayb-gashay tartan loo galay ka mid noqoshada Goleyaasha Deegaanka ee Magaalada Emmen ee Gobolka Drenthe ee Holand, waxayna Ugbaad noqotay Inanta keliya ee Soomaaliyad ah ee doorashadaa ku soo baxda.

Ugbaad oo ah Gabadh dhallinyaro oo reer Hargeysa ah ayaa boqolaal Tartame oo sinjiyado kala duwan iyo dalal kala duwan ka soo jeeda ayay sida qorraxda uga soo dhex booday.


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here