“Hooyaday waa ay ummushay Oo…”Maxamed Baashe X. Xasan

0
51
“Hooyaday waa ay ummushay Oo...”

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-“Toojaba waxaa loo godlaa say u gaar tahay”.

Hooyaday waa ay ummushay iyo waa ay dhashay, iyada oo labaduba isku macne soo gudbinayaan, haddana afka ayay u kala roon yihiin, ishuna sidaas oo kale ayay laba aragtiyood ugu kala roonaan karaan.

Waxa albaabbada la isugu dhuftay dhowaan xarunta Horyaal TV24 ee magaalada Hargeysa. Waxa kale oo isna la xidhay mulkiilihiisii. Horyaal TV24 waxa uu ka mid yahay dhawr TV oo wakhti aan fogeyn ku soo biiray TV-yada badan ee gaarka loo leeyahay ee Somaliland ka hawl gala. Waxa xadhiddiisa keenay oo loogu daw-galay barnaamij ay ka duubeen hablo uu tilmaamay in ay merfish qayilaadeed jilibka laabaan magaalada Hargeysa.

Wax badan baa laga yidhi dhacdadaas, hase yeeshee waxa aan ka eegi dhinac kale oo aan wax badan laga odhan inta ogaalkayga ah. Waa xidhiidhka ka dhexeeya dhacdan iyo magaalowga (Urbanization).

Inta badan Soomaalidu waxa ay ahayd ama ku tiirsanayd dhaqanka reer guuraannimada. Markii gobannimada la gaadhey 1960 waxa si weyn loogu soo ruqaansaday magaalooyinka, gaar ahaan xaruntii Muqdisho oo dadkii gobollada iyo dhulka miyigu ku soo qulquleen.

Waxa isku dhac ka dib isku soo dhowaadey labadii dhaqan ee magaalada iyo reer guuraaga. Waxa is dhiibey oo magaalada la qabsi la samaynayey reer guuraagii iyo tuulo-jooggii. Belwedo magaalada ka jirey sida qaadka, sigaarka, khamriga, tumasho kale iwm. ayaa loo qaatay in lagu reer magaaloobayo iyo ilbaxnimo, markii la arkay dadka qaar magaalada ku dhaqan oo dugsada qaar belwedahaas ka mid ah ama dhammaantoodba. Ilbaxnimo ayay mar ahayd qiijinta sigaarku in afka kor loo la taagaa, sida eegga shiishadda ama badeecadda kor loogu afuufo.

Wagaas iyo ka horba lagama aamusin la tacaalka belwedahaas in halistooda dadka looga digo, loona muujiyo in ay yihiin wax aan u wanaagsanayn caafimaadka iyo akhlaaqda aadmiga.

Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc) ayaa ka mid ahaa dadkii sida weyn ugu dhiirradey in ay belwedahaas iyo tabnaantooda bulshada u soo bandhigaan. 1966 isaga oo la hadlaya madaxdii dawladda ee xilligaas waxa uu ku lahaa gabaygiisii Tabaalaha Wakhtiga:

Mid tacliinta loo soo diroo tadhaqa oo liid ah
Oo tuhun ku jiro inuu ka tegey toobaddiyo diinta
Oo Aqal Tilmaan li’iyo khamriga gacan-toglaynaaya
Oo uu talmiidkii yaraa taas ka baranaayo
Iyana waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye
Tu kaloo ka daran baa jirtee taana balaan sheego!

Mar kale isaga oo taas sii daba jooga, haween xilligaas ged cusub la soo baxayna ka hadlaya, waxa uu isla gabaygaas ku lahaa:
Taaloogga naagaha jartee timaha qaar gooyey
Oo sida waraabaha tartama toonka cararaaya
Oo taranta Soomaaliyeed teedka kala gooyey
Oo aan dhaqaalena u tudhin ubadna tuugeynin
Oo toban-jirkii kori lahaa fadhay tagooggiisa
Iyana waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye
Tu kaloo ka daran baa jirtee taana balaan sheego!

Natiijooyinkii tabnaa ee arrimahaas waxa uu isla meel kale isla gabaygan ku lahaa:
Tuweyskii la eed iyo hablaha tumashadoodiiye!

Konton sannadood ka dib, burburkii weynaa ee Soomaaliya ka dhacay, waxa marka kale magaalada ku soo ruqaansaday intii dhulka reerguuraagu ku noolaa ku hadhsanayd. Magaaladu ma aha tii 1960-aadkii. Waa tu dhinac kasta ka burburtay, dadkeedana uu burburkaasi dhinac kasta ka saameeyey. Reer magaalkeedii in badan oo ka mid ahi ama waa ay qaxeen ama le’deen.

Waa nolol wada qaawan iyo guri ba’ay. Dhankii aad jalleecdaba waxa kaa soo celinaya masaabiir mariidyo sun ah afka ku wata. Saboolnimo maal iyo mid maskaxeed ayaa midoobey oo is kaashanaya. Belwedihii awel dadka dhexdiisa oollimaadka ku lahaa waxa ay la kala baxeen baallaha. Waxa ay garaaceen albaab kasta oo ay in badan gundhada jareen.

Waxa ay noqdeen meel lagu eerto oo lagaga baxsado runta silica iyo saxariirka jira. Shaqo la’aan, waxbarasho la’aan, caafimaad darro, dhaqaale darro (suququl maceeshadeed), qulub iyo qas maskaxeed ayay dadka intiisa badan is muteen.

Si walbahaarka iyo culayska nololeed la isaga yareeyo, xaqiiqadana looga dhuunto, waxa lagu jabay in si baahsan loo la qabsado belwedaha ibtilowga ah ee qaadku ugu horreeyo. Rag iyo haweenba si toos ah iyo si dadban ayay taasi saamayn taban ugu yeelatay. Burburka guud ayaa dhalay burburro kale. Waxa burburaya qoysas badan.

Waddanka Yemen oo ka mid ah meelaha qaadku diloodey warbixin laga qoray 2009 (Qat Increasingly Turns on Yemeni Women Groupies”, ayaa ka digeysa sida uu qaadku waxyeellada ugu hayo caafimaadka bulshada.

Dhiig-kar, ilko beel, ilko xanuun, calool is taag, xanuunno ku dhaca oo barar halis ah ku keena uurkujirta sida caloosha, xiidmaha, mindhicirka, malawedka iwm, isla hadal, khaakhaayiraad iyo qulub ayay warbixintu sheegtay in qaayibidda qaadku keento.

Shiishadda ama badeecadda ayaa si kooxaysan iyana loogu adeegsadaa meelahaas lagu bulsheeyo ee qaadka lagu cuno wadddanka Yemen. Ragga ayaa si gooni ah u wada qayila, dumarkuna waxa ay bilaabeen in ay merfisyo sallaxdaan. Dumar reero ka soo burbureen ayaa ka mid ah dumarkaas oo ubadkoodii marba u soo gelayaan iyaga oo qayilaya ama badeecad wada buufinaya, sida warbixintaasi xambaartay.

Marka teenna loo eego taas waxa aad dareemaysaa in kala duwanaanta ugu weyni tahay in qaadku Yemen u baxo, innaguna aynu lacag adag ku soo iibsanno. Weligeed ba intuu qaadku ina soo galay cuniddiisu ragga oo keli ah uma gaar ahayn oo haba yaraadaane waa la arki jirey ama la maqli gabadh qayisha. Wax se cusub in hadda dumar badani ku walfeen cunidda qaadka. Yemen lafteeda hadda ka hor lagama aqoon merfishyo haween isugu habar-wacda in ay wada qayilaan.

Arrinta markaas hadda muhiimka ahi ee dhacdadan Horyaal TV 24 ka soo baxday waa sidee loo waajahayaa wax ka odhashada iyo ka falcelinta mushkiladdaas bulsheed?

Muuqaallo tabani mar kasta bulshada waa ay ka dhex jiri doonaan, sidii ay dorraato, shalayto iyo maantaba oollimaadka ugu lahaayeen, welina ugu leeyihiin. Waa biyo-kama-dhibcaan in muuqaalladaas laga falceliyaa oo wax laga yidhaahdaa. Laga ma aamusi karo oo isha miirta laga ma dhigi karo.

Hase yeeshee, “xaajada badh baa la hojiyaa hu’ga la saaraa”

Ma aha sida ugu wanaagsan sida hadda dhacday in ceebo jira oo wax u dhimaya akhlaaqda bulsheed lagu wada sayaxo oo marada laga wada qaado. Si bulshada looga wacyigelin karo waxa loo mari karaa dariiqyo kale oo badan.

Hooyaday waa ay ummushay iyo waa ay dhashay, iyada oo labaduba ay macne isku mid ah soo gudbinayaan nuxur ahaan, haddana afka ayay u kala roon yihiin, ishuna sidaas oo kale ayay laba aragtiyood ugu kala roonaan karaan.

Haddii sheekada merfishku tahay xaqiiqo jirta waxa habboonaan lahayd in si kale hablaha wax loogaga weydiiyo waxa sababay merfishka oo la ogaado waxa kellifaya, dhibaatooyinka ka dhashay, iyada oo aan marnaba la muujinayn in goobtu tahay meel wax waxtar leh ama wax wanaagsan, loo na gol yeesho in tabnaanteeda la soo bandhigo si waafaqsan anshaxa iyo qaayosoorrada bulshada.

Dhinaca caafimaadka iyo akhlaaqiyaadka ayaa lagaga iman karaa oo barnaamijyo iyo suugaan lagu cabbiri karaa. dhaqan-celin, u abuur fursado kale oo bulshaawinnimo sida ciyaaraha, waxbarasho iyo shaqo abuur noloshooda lagu hagaajinayo iwm. ayaa belwedaha lagu dawayn karnaa (yarayn karaa) rag iyo dumarba. In lagu sayaxaa waxa ay ka dhigan tahay “dhidar onkod ku kicin”.

Ta u dambaysa, waxa aan khalad u arkaa in albaabbada loo xidho shirkad barbaahineed oo sharciyad leh, iyada oo aan loo marin tallaabo sharci ah. Sideedaba waxa loo baahan yahay in xadhigga degdegga ah iyo soo deynta degdegga ee raacda la iska daayo. Marka horeba maxaa qof ama shirkad loogu degdegayaa xadhiggooda?

Marka ay warbaahin timaaddana waa ay ka sii xagjirtaa. Waxa ha’yadda warbaahineed ee darjiidha ama wax sharci darro ku tallaabsata la siin karaa digniin hore iyo mid kama dhambays ah. Waxa raaci kara ganaax dhaqaale. Xadhigga waa laga fursan karaa inta badan.

Maxamed Baashe X. Xasan mohamedbashe@hotmail.com

Caarshe7@gmail.com or Baraarugnews@gmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here