Hub Loo Gacan Galiyey Jabhada Caare Iyo Kulankii Saraakiisha Sirdoonka Soomaaliya Iyo Jabhada Dagaalka Kula Jirta Xukuumadda Muuse Biixi &Somaliland Oo Foolanaysa Dagaalo Beeleedyo Iyo Jabhadayn

0
1856
Sawiraan cusub oo ah jabhada ku kacsan Muuse Biixi ee Taliye Caare

Hargeysa,(Baraarugnews.com)-Dawladdaha Turkiga Iyo Boqortooyada Qatar ee taageera dawladda federaalka ee ka talisa oo kaliya magaalada Muqdisho, ayaa qaab qarsoodiya hub ku caawiyey Jabhada uu hogaamiyo taliyihii ka goostay ciidamada qaranka Somaliland Taliye Caare, fadhigeeduna yahay deegaanka maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, isla markaana madaxweynaha Puntland Cabdweli Gaas iyo kuxigeenkiisa Camay iyo Wasiiradda maamulkiisa ayaa dedaal xoogan ugu jira inay Taliye Caare iyo Maleeshiyaadka la socda ku riixaan innuu dagaal iyo weeraro ku qaado gudaha deegaanka Gobolka Sanaag iyo magaalo madaxdiisa Ceerigaabo.

Diyaarad hub ah ayaa loo keenay Taliye Siciid Cawil Jaamac (Caare),iyadoo diyaaradaa hubka u keentay Jabhada uu hogaamiyo Taliye Caare gadhwadeen ka ahaayeen, soona direen Madaxweynaha dawladda Soomaaliya farmaajo, Raysal,wasaaraha  Xasan Cali Khayre, isla markaana Diyaarada hubka u siday Jabhada Taliye Caare ayaa la sheegay inay kaga soo horeeyeen dhawr saacadood intay soo degin diyaarada hubka siday Taliyiye ku-xigeenka sirdoonka dawladda Soomaaliya iyo wefti kale oo ku wehelinayey socdaalka Qarsoodiga ah ee ku yimaadeen magaalada Qardho iyo meel aan sidaa uga fogayn, qarsoodiya oo kala duwan, kuna sugan yihiin Taliyihii ka goostay ciidanka militariga Somaliland Taliye Caare iyo askar kale oo la socda kulamo hoose ku wadayeesheen guryo ka mid ah gudaha magaalada Qardho.

Xogo lagu kalsoon yahay, kana ag-dhaw Taliye Caare iyo qaar ka mid ah Sirdoonka maamul-goboleedka Puntland, ayaa u sheegay Wakaalada Baraarugnews.net xafiiskeeda magaalada Qardho in dawlada Soomaaliya, oo is garabsanayaan maamulka Puntland, sidii loo hubayn lahaa Jabhada uu hogaamiyo taliyihii ka goostay ciidanka Somaliland Taliye Caare, isla markaana  waxa kale  oo la qorshaynayaa in dagaal weyn ku soo qaado Jabhada Taliye Caare gudaha Somaliland, Balse xogahaa ayaa sheegay in Jabhada Caare oo qayb ka tahay maamul-goboleedka soomaaliya ee Puntland ka tashanayaan inay dagaal ka ridaan sida ugu dhakhsaha badan Gobolka Sanaag, halka xogahaasi tilmaameen in meelaha ay doonayaan in dagaalo beeleedyo iyo mid weeraro jabhada Taliye Caare hogaamiyo ka fuliso deegaanka Ceel-afweyn, si mar kale u soo celiyaan isku dhacii labada beelo ee walaalaha ah ee dhawr jeer ku dagaalamay deegaanka Ceel-afweyn, culumada Somaliland-na bilihii aynu soo dhaafnay soo afjareen colaada beelaha Ceel-afweyn oo marar badan soo noqnoqday inay dib isugu dhuftaan beelaha ku wada dhaqan deegaanka Ceel-afweyn, si xukuumadda uuu hogaamiyo madaxweyne Muuse biixi Cabdi ay u hadheeyaan dagaalo meelo badan kaga furma, si u wiiqanto awooda ciidanka qaranka Somaliland.

Xogahaa ayaa xusay in goobaha istaraajiyada u ah Gobolka Sanaag ay doonayaan inay marka ugu horaysa gacanta ku dhigto Jabhada uu hogaamiyo Taliye Caare, isla markaana waxa la sheegay in qorshaha  dajiyeen  ka mid tahay  ee ay doonayaan in dagaalo ka ridaan meelaha Cabaydh iyo dhulka Buuralayda deegaanka Gobolka Sanaag. Isla markaana ciidamada sirdoonka maamul-goboleedka Puntland oo ka gaabsaday in magacooda la sheego ayaa u sheegay Wakaalada Baraarugnews.net in hubka loo keenay Taliye Caare iyo ciidamada la socda ee Jabhadiisa in hubka loo keenay laga soo rogay deegaanka maamulka Puntland  uu yahay hub cusub oo diyaarad kuwa ciidamada ah ee dawladdaha waa weyn eek u hirdama siyaasada soomaaliya siday.

Saraakiisha aqoonta badan u leh ama khubarada  aqoonta u leh hubka ayaa sheegay in hubka loo keenay Jabhada Taliye Caare uu yahay hub kimikaal khatar ah wata oo masiibo keeni-kara, iyagoo wel-wel-wel  ka muujiyey waxyaabaha ay sababikaraan  iyo khasaaraha ka dhalan-kara hubka laga soo dajiyey magaalada Qardho ee lagu caawiyey Jabhada ka soo horjeeda Madaxweyne muuse Biixi hogaamintiisa Madaxweynimada dawlada SOmaliland, isla markaana xogahaa ayaa sheegay in Taliye Caare iyoCumar  Cabdirashiid oo cabasho ka dacwoonayaan Imaaradka Carabta ayaa hub siiyey xukuumadda Muuse Biixi Cabdi gaadhsiiyeen dawladdaha Turkiga iyo Qatar. Sirdoonka maamul-goboleedka soomaaliya ee Puntland, ayaa sheegay in hubkaas loo keenay jabhada Taliye Caare oo garabsanaysa ama taageero ka helaysa maamulka Puntland ay siisay  dawladda Turkiga iyo Boqortooyada Qatar oo labadooduba isku dhinac ka yihiin siyaasadda iyo faragalinta arrimaha siyaasadda  dawlada Madaxweyne Farmaaj,o  gaar ahaan  arragtida iyo qadiyada ay isku hayaan Somaliland iyo Soomaaliya,kuwaasoo tilmaamay in hubka ay siday diyaarada timi madaar duleedka magaalada Qardho ah ay ku jireen bambooyin waa weyn  oo kuwa gacanta laga tuuro oo khatar ah.Balse xogahaa ayaa tilmaamay markii diyaarada hubka u siday Jabhada Taliye Caare ay madaarka ka soo degtay xilli sii dhacaysay qoraxdu, laamiga iyo agagaarka madaarka diyaaradu ka soo degtay la xidhay ilaa lixdan kiiloomitir oo isku weer ah, dhanka galbeedka magaalada gaadiidkii marayeyna waa la joojiyey, si aan loo arrag diyaarada degaysa iyo waxyaabaha ay sido ee laga dejiyey, isagoo goobtaasna la sheegay innuu ku sugnaa Taliye Caare iyo saraakiil iyaguna ka tirsan ciidanka maamulka Puntland.

Shaqaalaha kala duwan iyo ciidamada maamul-goboleedka soomaaliyada ee Puntland siddeed bilood mushahar lama siin oo may qaadan, siddeedaa biloodna waxa la xaqiijiyey in Puntland ururinaysay lacago iyo Raashinkoodii iyo sahay kala duwan oo ay ku doonayso inay ku caawiso ama ku taageerto Jabhada Taliye Caare, isla markaana rag tirro badan oo ka soo jeeda beesha Majeerteen ayaa ku jira Jabhada uu hogaamiyo Taliyihii ka goostay ciidamada qaranka Somaliland Caare, kuwaasoo doonaaya inay la dagaal galaan, kana qayb qataan dagaalada ay dabada ka riixayaan siyaasiyiinta, madaxda maamulka Puntland iyo ganacsato ka soo jeeda beesha Majeerteen innay Jabhada Caare ku qaado weeraro Gobolka Sanaag ee bariga Somaliland.

Hadaba Diyaarada hubka u siday Jabhada uu hogaamiyo Taliye Caare ee ka soo horjeeda cadaalad-darada iyo qaabka qaraabo kiilka xukuumaddaiisa uu soo dhisay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo xilalkiiba Beeshiisa Habar-awal ku tacay, ayaa ku soo beegmaysa markii Sarkaal kale oo isaguna hore ugu biiray Jabhada Caare oo ka tirsanaa ciidamada militariga Somaliland ee Gobolka Sanaag Gashaanle dhexe Jamaal Maxamed uu dhawaan markii isagoo ciidamo ka tirsan Jabhada Caare oo isagu hogaaminayo soo galeen deegaano dhinaca buuralayda Gobolka Sanaag ah, ka dib halkaa dagaal ku dhex-maray ciidanka qaranka Somailand iyo Jabhada uu hogaaminayey Gashaanle dhexe Jamaal Maxamed , iyadoo la sheegay in dagaalka dhexmaray uu sababay khasaare dhaawac oo soo gaadhay dhinaca Jabhada ugu yaraan saddex qof, halka war rasmiya khasaaraha  ka soo gaadhay dagaalka dhex-maray Jabhada oo ka soo baxay dhinaca ciidanka Somaliland ma jiro. Isla markaana sarkaalka ka mid ah Jabhada Caare ayaa la sheegay sababtii ka dambaysay inay la dagaalamaan ciidanka Somaliland ama ay soo galaan gudaha buuralayda Gobolka Sanaag ay sabab u aheyd markii Puntland ka shakiday  jabhada Caare, si ay u kasbadaan kalsoonida maamulka Puntland iyo dawlada soomaaliya, oo markii hore ka cago jiidaysay inay caawiso Jabhada Caare, laakiin maalintii dhawayd ee dagaalameen iyaga iyo ciidanka Somaliland, taasi keentay inay u soo jeestaan dhinaca Jabhada Taliye Caare ee fadhigeedu yahay deegaanada maamul-goboleedka soomaaliya ee Puntland.

Email:-Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here