“In Beesha Habar-jeclo jeelka laydinku guro iyo in Salaadiintiina iyo Boqoradiina la xidh-xidho may isku ogaydeen Muuse Biixi Iyo Beeshiisa Habar-awal?

0
1889
bulshada Degmada Caynaba

“Maanta waxa ugu ayaan daran, kuwii u codeeyay Muuse Biixi  ee ka codeeyay  Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro. cidda Aanu Codka Ugu Shubi-doono Doorka Dambe ee Noqonaysa  Madaxweynaha Somaliland, Waa Gudd. Waddani Cirro, Haddii Kale…”Bulshada Gobolka Saraar

bulshada Degmada Caynaba

Burco, (Baraarugnews,net)-Shacabka ku dhaqan Gobolka Saraar ee bariga Somaliland, ayaa sheegay inay maanta gar-waaqsadeen inay khalad iyo meel kaga dhaceen Murashaxii u taagnaa jagada Madaxweynimada ee doorashadii ka dhacday Somaliland ee u taagnaa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, isla markaana waxay xuseen inay maanta garwaaqsadeen inay codkoodii siiyeen qof aan u qalmin innuu Madaxweyne u noqdo shacabka reer Somaliland.

Sidaa waxay ka sheegeen mar ay maanta warbaahinta kula hadlayeen magaalada Caynabo qaar ka mid ah bulshada beesha Muuse Abokor ee ka soo jeedaha beelaha Habarjeclo ee ku dhaqan Gobolka Saraar ee degmada Caynaba, waxaana ka mid ahaa hadaladoodii sidan:-“Kornayl Muuse Biixow Boqor Cismaan Buur-madow waa inaad degdeg u soo daysaa oo bilaa shuruud ah. Waxa guul daraystay, kuwii intay fartoodii kursiga ku saareen loogu jawaabay  dhex-da ayaad farta ka qaniinaysaan . Way ka qaniineen,. Beeshii Muuse Abokorna Boqoradoodii iyo salaadiintoodii jeelka ayay ku gureen ma waxaad u doorateen Muuse aftaag innuu maanta Beeshii Habarjeclo jeelka laydinku guro iyo in Salaadiintiina la xidhxidho oo may isku ogaydeen Muuse Biixi Iyo beeshiisa Habar-awal? Maanta waxa ugu ayaan daran kuwii u codeeyay Muuse Biixi ee ka codeeyay Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro. Haddii alle ka dhigo doorka dambe shacabka Gobolka Saraar waxaanu rajeenaynaa inay doorka dambe dhamaan codkooda ugu shubidoonaan xisbiga Waddani Cabdiraxmaans Sixir-bararkiina uu ka sii daray dawladdii hore ee Axmed Siilaanyo. Xukuumadda Muuse Biixi waxay ku fantaa wixii xukuumaddii hore ee Axmed Siilaanyo qabatay.

Caarshe7@hotmail.com


Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here