.“In Maanta madaxweyne AXMED Siilaanyo lagu sheego khiyaanoole, ma ogolin, mana yeelayno. Markii uu hawl-gab noqday in la…”

0
913

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka tirsan aqalka Golaha wakiilada Somaliland, ahna mudanayaasha ku jira xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa ku gacan-saydhay dhawaaqii ka soo yeedhay Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ku sheegay innuu khiyaameeyay dalka Madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo, isagoo arrinkaa u sifeeyay heshiiska shirkadda DP World ay la gashay Somaliland inay u saxeexday dekeda Berbera dawladda Faderaalka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.“In Maanta madaxweyne AXMED Siilaanyo lagu sheego khiyaanoole, ma ogolin, mana yeelayno. Maha aha ayaanu leenahay Axmed Siilaanyo waa nin dalka u soo halgamay intaas oo sano ayuu halgan ayda ugu soo jiray. Markii uu maanta uu hawl-gab noqday in la yidhaahdo dalkii ayuu khiyaameeyay wax caqliga gali kara maaha. Kalmadaasna maaha wax qabta Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo.”Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Nacnacd oo hadal kooban siiyey oo aanu ka soo xiganay Haddhawaagnews ee magaalada Hargeysa.

xILDHIBAAN nACNAC IYO aXMED SIILAANY bARAARUGNEWS.NET

Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here