Ina Aw-siciid ee Shirkada Samcable Oo Awood Qabiil Shaadh Dawladeed U Is-ticmaalay Abwaan Iyo Macalin Ay Sii Daysay Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex &Loogu Badelay Xadhig Iyo Ganaax lacag Badan oo dollarAh

0
126

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Maxkamadda racfaanka gobolka Marood-jeex ayaa Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur waxa ay ku xukumay 8 sanno oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo 625,000 dollar (Lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo doollar).

Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur ayaa lagu eedeyey inay jarjareen Xadhko ay lahayd Shirkada SOMCABLE gaar ahaan deegaanka Oodweyne

Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur waxa hore sii deysay maxkamadda gobolka Maroodi-jeex 29kii Oktoobar 2018ka, waxaanay muddo 5 bilood ah u xidhnaayeen ambiil ay qaateen Xeer-ilaalintu, markii wax dembi ah lagu waayay.

Dhagaysiga rafcaanka dacwaddooda ayaa waxa la bilaabaykaas Arbaca 13kii Feberweri 2019ka, taas oo saaka laga gaadhay go’aan. laba muwaaddin oo la kala yidhaahdo Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur Maxamuud, halka saddex kale oo laba maqan yihiin min lix sanno oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan $625,000 oo dollar.

Saddexdan kalena waxay kala yihiin: Cumar Xuseen Cabdi oo ah nin reer miyi ah oo lagu yidhi jar xadhiga shirkadan Yuhuud baa leh oo jaray ayaa lagu xukumay 6 sanno iyo lacag dhan $625,000 (Lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dollar). Waxa kale oo intaas oo kale lagu xukumay laba qof oo maqan oo iyagoo maqan lagu xukumay lix sanno oo xadhig ah iyo ganaax $625,000 (Lix boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dollar).

Shantan muwaadin ayaa lagu eedeeyey inay qaarkood dhiirigaliyeen in la jaro ama la gooyo xadhiga Enternetka ee shirkadda SOMCABLE, inay abaabuleen dhallinyaro laga hor keeno xukuumadda, iyo in Abwaanka Baashe madaxweynaha ku yidhi “Muuse-Shaanni” oo ah magac dil ah sida xeer ilaalintu ku doodayso.

Baraashug00@gmail.com or Caarshe7@hotmail.com

Warning: A non-numeric value encountered in /homepages/8/d730742190/htdocs/clickandbuilds/BaraarugNews/wp-content/themes/Baraarug/includes/wp_booster/td_block.php on line 1009

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here